Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda Puntland, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in ciidamo heer Federaal ah ay joogaan meelo kamid ah Puntland, isla markaana ay dagaalka geli karaan, balse aysan illaa iyo hadda codsi ka helin dhanka Puntland.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in dagaalkan uu yahay mid ballaaran, ayan qayb ka yihiin saaxibada caalamiga ah oo ay ka wada shaqeeyaan howlgallada ka dhacaya dalka.
“Puntland waxay naga codsatay ma jirto haddiise loo baahdo Puntland waxaa jooga ciidamo Federaalka ka amar qaata oo daqiiqad kastaa dagaalka geli kara si weyn ayaan u garab taaganahay Puntland, dagaalka Daacishna caalama waa nagu kaalmeynayaa” ayuu yiri.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo indhawaanahayaan la hadal hayay inay jiraan ciidamo ay dowladda Soomaaliya ka qoratay deegaannada Puntland, taas oo abuurtay hadal-heyn xooggan, maadaama haatan khilaaf xooggan uu ka dhexeeyo labada dhinac.
Dhanka kale, waxa uu madaxweynuhuย soo hadal qaaday arrimaha doorashooyinka iyo heshiiskii ay dhawaan dowladdiisu la gashay qeyb ka mid ah Madasha Samatabixinta, isaga oo sheegay in ay rabaan dimuqraadiyad in ay ka hirgeliso dalka, isla markaana dadka Soomaaliyeed ay xor u noqdaan afkaartooda iyo mawaaqiftooda siyaasadeed.
Xasan Sheekh waxa uu sheegay in sanadkii 2023 ay isugu yeereen shirkii ugu horreeyay oo ay isugu keeneen siyaasiyiin hore iyo kuwa xilka haya, isagoo yiri: โShirkaasi waxa aan uga hadalnay jihada aan rabno in dalka loo dhaqaajiyo, annaga oo sameynay la-tashiyo ballaaran, isla markaana madaxda kala tashanay.โ
โWaxa aan maalintaas u sheegnay in dastuurka dib loo eegayo oo la dhameystirayo, dalkana doorasho qof iyo cod ah la gaarsiinayo, iyadoo laga baxay doorashadii dadbaneyd,โ ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.
Isagoo ka hadlayey qaabka Dastuurka dib-u-eegis loogu sameynayo, waxa uu sheegay in Dastuurka qudhiisa lagu qeexay habka dib-u-eegista: โAnnagu waxa aan aaminsanahay in aan si adag u raacnay sida Dastuurka dib-u-eegis loogu sameeyo.โ
Waxa uu intaas ku daray in ay sameeyeen guddigii madaxa-bannaan iyo qawaaniintii ay ku shaqeynayeen. โDadkii ayaa loo soo xulay, baarlamaankana hortiis ayaa loo geeyay, qof qofna waa loogu codeeyay oo kalsoonidii waa la siiyay, kadibna shaqadii ayay bilaabeen,โ ayuu yiri madaxweynaha.