Xasan oo cadeeyay in uusan ku dhaqaaqeyn arrin ay ka cabsi qabaan mucaaradka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) โ€” Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in uusan damacsanayn muddo kordhin, balse ay ka goโ€™an tahay in doorashada lagu qabto waqtigeeda.

Xasan Sheekh ayaa caddeeyay in uu diyaar u yahay in uu aado doorasho, isla markaana uu xilka si nabad ah ku wareejin doono haddii doorashada looga adkaado, xilli uu mucaaradka si adag u dalbaday in doorashadu ku dhacdo xilligeeda.

โ€œAniga waxaa la i doortay 15-kii May 2022, teeramkaygu wuxuu ku egyahay 15-ka May 2026. Intaasi dhexdeeda waxaan rabaa inaan ku qabto doorasho, laakiin wixii mustaqbal iman kara anigu kama sheegin,โ€ ayuu yiri Madaxweynaha oo la hadlay idaacadda BBC-da.

Sidoo kale waxa uu rejo ka muujiyay in khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamullada Jubbaland iyo Puntland uu dhawaan soo afjarmi doono. Maamulladan ayay Madaxweynaha isku seegeen arrimaha wax ka beddelka dastuurka iyo hanaanka doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay socdaan xiriirro aan toos ahayn, isla markaana dowladdu ay wax badan ka tanaasushay si loo xoojiyo wada shaqeynta dowlad goboleedyada, loona gaaro isfaham buuxa.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Xasan Sheekh ayaa xaqiijiyay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay inay miiska wada-hadalka kusoo dhaweeyaan Jubbaland iyo Puntland, si loo helo doorasho loo dhan yahay oo heshiis lagu yahay.

Madaxweynaha ayaa xusay in ballan-qaadyadiisa siyaasadeed ay kamid ahaayeen qabashada doorasho qof iyo cod ah iyo dhammaystirka dastuurka dalka, taas oo uu sheegay inay hawsheedu socoto.

Inkastoo uu qiray in aysan bulshada Soomaaliyeed oo dhan wada gaari karin doorashada qof iyo cod, balse waxa uu sheegay inay ku dadaalayaan in malaayiin Soomaali ah ay soo doortaan hoggaankooda.

Tan ayuu madaxweynuhu sheegay inay meesha ka saarayso hanaankii hore ee hoggaanka sare ee dalka lagu dooran jiray, kaasi oo u xusay inuu mugdi badan ku gadaamna.

“Anigu ma dhahayo doorashada waxay noqon doonta mid 100% fiican ama waxa codeyn doona dhamaan shacabka Soomaaliyeed, balse waxaa ku guuleysaneyna nidaam ay malaayiin qof codeeyaan, anagoo ka gudbeyna mid kumanaan ergo oo keliya ku doortaan hoggaamiyeyaasha,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

- Advertisement -

Read more

Local News