Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa qaylo dhaan afka furtay, isaga oo weerar culus ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ee shalay dagaalka ku qaaday saldhigga degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.
Xaadoole oo ka qayb-galay kulan balllaaran oo xalay ka dhacay xarunta degmada Kaaraan ayaa runta u sheegay mucaaradka, wuxuuna tilmaamay in fursad yar oo ay ka faa’iideystaaan ay ka dhex raadinayaan dowladda, sida uu hadalka u dhigay.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in mar kasta ay ka fakiraan danahooda siyaasadeed, isla markaana aysan ka shaqeynin horumarka dalka iyo dagaalka lagula jiro A-Shabaab.
“Nimankan hadda hadlaayo weligey ma arag, iyaga oo ciidanka goobaabinaayo, iyaga oo Shabaab sheegaayana ma arag, maalin kasta waxa ay ka hadlaan dul duleed yar oo ay ka faydan tahay dowladdu” ayuu yiri xildhibaanku.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Magaaladaan Muqdisho bambooyinka dadka lagu dili jiray aaweyn biskooladdii gaadmada ahaa oo dadka lagu laay jiray aawday, qaraxyadii isdaba joogga ahaa aaway?”
Cismaan Xaadoole oo hadalkiisa sii wata ayaa si weyn u difaacay madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna tilmaamay in ay soo bateen dadka aflagaadeynayo, uuna ka digayo arrintaas oo uu sheegay inuu u xiran yahay walaalkiisa ka weyn oo horay ugu gefay Xasan Sheekh.
“Aniga walaalkey oo caayay madaxweynaha anaa xiray, mana lasoo deynaayo weliba Nabadoon Xuseen Xaadoole, intee ayuu Nabadoon ka yahay waa kuwaana Nabadoonnada Mataan Cabdulle inta ayay fafadhiyaan” ayuu sii raaciyay.
Dagaalkii shalay ayaa fadeexo culus lugaha u galiyay mucaaradka oo fursad ka dhex-raadinayay dadkii shalay lagu jir-dilay xaafadda Siinaay ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka cabanayay burbur ay todobaadyo dowladdu ka waddo halkaasi.
Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in mucaaradku ay si weyn isugu khaldeeen xisaabta. Iyadoo askartii falka geysatay ay mar hore xirnaayeen, socodkooda hubeysan ee ay saldhigga ku tageen wuxuu u ekaaday mid aan ahayn difaac caddaaladeed, balse u muuqday isku day ay ku afduubanayaan geeddi-socodka sharciga.
“Mar kasta oo aad saldhig booliis tagto adigoo wata kolonyo hubeysan, adiga ayaa qaladka iska leh, iyadoo aan loo eegin ciddii rasaasta billowday,” ayuu yiri Xuseen Cabdiraxmaan, oo ah falanqeeye fadhigiisu yahay Muqdisho.
Si kastaba, ha’ahaatee Mucaaradku waxay rajeynayeen inay ka faa’iideystaan carada shacabka ee ka dhalatay tacaddiyada booliiska. Taa beddelkeeda, ficilladoodu waxay hoos geliyeen xariggii askarta, waxayna dareenkii oo dhan u soo jeediyeen dhankooda. Wixii noqon lahaa fursad ay ku dalbadaan isbeddel waxay ku dhammaatay dhaawac ay iyagu is-geysteen.

