27.5 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Xog: Waawaan laga dhex bilaabay DF iyo mucaaradka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddi xildhibaanno ah oo kasoo jeedo Beesha Hawiye ayaa haatan bilaabay dadaallo nabadeed oo ay ku doonayaan in lagu dhex-dhexaadiyo madaxda dowladda iyo kuwa mucaaradka oo shalay ku dagaalamay magaalada Muqdisho.

Guddigan oo iskiis u istaagay ayaa xalay la kulmay dhinaca mucaaradka, iyaga oo sidoo kale khadka taleefoonka kula hadlay madaxweyne Xasan Sheekh oo haatan ku sugan magaalada New York oo uu qayb-galay shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Sida ay ogaatay Caasimada Onine, madaxweynaha ayaa xildhibaannada la xiriiray ka aqbalay dadaalka ay wadaan, wuxuuna u ballan qaaday inuu ogol yahay waxa ay usoo qaadaan, si loo xalliyo xaaladda loogana hortago dagaal mar kale ka dhaca caasimada.

Xubnaha xildhibaannada ah ayaa sidoo kale mucaaradka kala hadlay in aan xaaladda looga sii darin, lagana fogaado wax kasta oo sii kicin kara xiisadda ka dhalatay dagaalkii shalay ka dhacay saldhigga degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale guddiga xildhibaannada iyo xubnaha mucaaradka ee xalay kulmay ayaa berri u balamay fadhi kale, si looga hadlo xalinta shaqaaqadii shalay dhacday oo sababtay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur xooggan.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dadaalladan lasii ballaarinayo, waxaana ku biiraya odayaasha dhaqanka ee Muqdisho, si xal waara loogu helo qalalaasaha siyaasadeed iyo midka amni ee haatan ka taagan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Dadaalladan dhex-dhexaadinta ah ayaa imaanaya, iyada oo isla shalay mucaaradka ay iclaamiyeen dibad-baxyo waa wayn oo Sabtida ka dhici doono saddex goobood oo ku yaalla magaalada Muqdisho, sida degmada Dayniile, Tarabuunka iyo Siinaay oo kamid ah meelaha ay ka taagan yihiin xiisadaha ka dhashay dhulalka danta guud ee laga raray shacabka.

“Waxaan rabnaa in umadda Soomaaliyeed u sheegno anaga dagaal ma rabno, xabado ma sidano, cid aan dhib ku nahay ma lahan, waxaase garab taaganahay dadka la dulminayo ee Soomaalida ee aragtaan,” ayuu yiri madxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Shariif.

Waxa uu intaas kusii daray “Madashu waxay rabtaa inay ku baaqdo Soomaali meel ay joogto mudaharaad nabadeed, oo lagu diidan yahay falalka waxshinimida ah iyo dhul boobka ka socda magaalada Muqdisho.”

Dhinaca kale Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo ka horyimid go’ankan ayaa isna shaaca ka qaaday in xubnaha hadlay aysan qaban karin mudaharaad, sidoo kalena aysan xukumin goobaha ay sheegeen in la’isugu tago.

“Mudaaharaad ay ku baaqi karaan ma jiro, Tarabuun adi ma xukuntid, mana u xilsaarnid Siinaay ma xukuntid meel aad u calaameyn kartana ma jirto” ayuu yiri Muungaab.

Sidoo kale wuxuu amar siiyay laamaha amniga oo uu faray in tallaabo adag ay ka qaadaan, cid kasta oo ku xadgudubta nabadda iyo xasiloonida ka jirta magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli xasaasi ah, isla markaana Muqdisho ay ka taagan tahay xaalad kacsanaan ah oo u dhexeyso dowladda iyo mucaaradka oo shalay uu ka dhex-qaray dagaal toos ah, kadib markii ay isku fara saareen saldhigga degmada Warta Nabadda.

- Advertisement -

Read more

Local News