Muqdisho (Caasimada Online) โ Shacab aad u caraysan ayaa Raโiisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ku eedeeyey inuu sabab u ahaa geerida Liibaan Cali Xaashi, oo ka mid ahaa ilaaladiisa, kaasoo lagu dilay dagaalkii Arbacadii ka dhacay saldhigga Warta Nabadda, kadib markii mucaaradku halkaas ku duuleen.
Liibaan ayaa maanta lagu aasay Muqdisho, waxaana Kheyre bartiisa Facebook ku soo dhigay qoraal iyo muuqaal isaga oo uga tacsiyaynaya; waxa uu yiri: โAllaha u naxariistee, Liibaan Xaashi Ciise waxaa loo dilay si arxan-darro ah isagoo waxba galabsan, una gurmanaya dad Soomaaliyeed oo la dhibaateeyey. Gobannimo ayuu ku dhintay; dadaalkii uu ku geeriyoodayna waxaan rajeynayaa inuu guuleysto.โ
Si kastaba ha ahaatee, qoraalkaas waxaa ku dhacay carow ka yimid shacabka, kuwaasoo Kheyre dusha ka saaray masโuuliyadda geerida Liibaan, sababtoo ah mucaaradku ayaa ayaga ku duuleen saldhigga. Waxa ay yaab ku noqotay in xitaa aysan jirin ama ay aad u yareyd dadka eedeynaya dowladda.
Haddaba, waa kuwan qaar ka mid ah qoraalladii shacabkii Kheyre eedeeyey:
1- Hanad Yaasiin: Sababta uu wiilkaas dhalinyarada ah u dhintay adiga ayaa leh. Waxaad ka soo waday Hotel Jaziira oo keentay meel qalalaase iyo amni darro ah. Kursiga Kheyre ku raadi nabad, dagaal iyo fowdo shacabka naga dhaaf.
2- Abuu Ayuub Ali: Adiga diley, adiga janaasadiisa ku tukaday, adiga u tacsiyeynaya. Wiilkaaga ma istaaf ka dhigatid, markad odey kale wiilkiisa istaaf ka dhigatay. Dhallinyarow waa sidan siyaasiga damaca waalan, marka uu dhinto reerkooda ayaa dhiban.
3- Hassan Ali: Shaqadii Al-Shabaab ayaa ka billaabatay Xamar. Waagii aad NRC u shaqaynaysay wiilkii Shabaab kaa badbaadiyay abaal uma aadan gelin. Maalintaas ayaan ku nacay. Wax loo dhinto ma tihid. Kan dhintayna waa qabiilkaaga, qabrigiisana dhis.
4- Boqorka Muqdisho: Dhalinyaroow, odoyaal kursi iyo xil doonaya ayaa isku haya. Idinkuna ha ku dhimanina, ha ku dhaawacmina. Haddii dal iyo kursi isku haystaan, iyaga ha is dagaalaan. Idinka ha u dhimanina dan gaar ah oo dowlad ama mucaarad leeyahay. Adduun iyo aakhiraba beel kale ayaa kaa faaโiideysanaysa.
5- Fadima Maxamud: Wiilkaas Allaha u naxariisto. Laakiin adigaa sabab u ahaa, xaabana ku shubay. Haddii aadan ka towbad keenin, buugyada tacsida waad dul fadhiisan doontaa.
6- Abdinasir Hussein: Maalin walba tacsi ayaad ku jirtaan. Haddii sida aad wax ku dooneyso aadan wax ka beddelin, dalka dowlad baa ka jirta, nidaamka dowladnimada raaca. Mucaarad iyo muxaafid waxaad ahaaneeysaaba, annaga shacabka ahaan hadda nabad ayaan haysannaa. Cidii nabadda naga qasaysa ma aqbaleyno. Cidii dhaliil rabta, tartiib ha u soo gudbiso. Ciddii kale oo dagaal rabta dowlad baa u joogta, gacan bir ahna ku qaban doonta.
7- Suldaan Xirsi Ali Maxamed: Wiilka Allaha u naxariisto. Idinka ayaa sabab u ahaa geeridiisa, waayo waxaad ku lug yeesheen dhacdo shil ah. Dowladdu dhibkii hore waa ka garowday, balse idinku waxaad keenteen dhibaato ka sii daran. Haddii damiir leedihiin, shacabka fowdada ka daaya oo nabadda xoojiya.
8- Amal Fiqi: Carruurtiina nolol fiican ayaad dibadda ugu sameysateen, dalka ayaad ka cararteen. Laakiin carruurta masaakiinta ah ee gudaha joogta ayaad rabtaan dhiigooda in micno darro loo qubo. Nacalatullaahi caleyk adiga iyo kuwa kula midka ah.
9- Fartuun Abdullahi: Allaha u naxariisto wiilkaas. Adiga iyo musharaxiinta kale qaska dalka ka daaya, shacabka masaakiinta ahna beenta ha ku marinina. Danta guud fiiriya, danta gaarka qabri ayaad galeysaan.
10- Mohamed Amiin Hussein: Allaha u naxariisto wiilkaas. Laakiin adiga ayaa sabab u ahaa dilkiisa, waayo waxaad ku lug yeelatay arrin aan shaqadaada ahayn. Sida maahmaahda tiraahda: โHasha iyadaa geela cuneysa, iyadaana cabaadeysa,โ adigaa u qalma.
11- Umu Siham Yusuf: Allaha u naxariisto wiilkaas yar. Adigana maxaa kugu khasbay inaad wiilasha yar yar haligto? Haddii Alle kuu qoray xil madaxweyne, si nadiif ah ayaad ku gaadhi doontaa, dhiig qubis looma baahna.
12- Umu Siham Yusuf: Carruurtaada waad badbaadisay, wiilkaas masaakiinta ahna rasaas ayaa ku dishay. Wuxuu ahaa dhallinyaro sabool ah oo caruur yar haystay, hanti iyo dhaqaale toona ma lahayn. Haddii uu lahaa, ciidanka kuma biireen.