Muqdisho (Caasimada Online) โ Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si adag uga hadlay rabshadihii iyo weerarradii ka dhacay saldhigga booliiska Warta Nabadda ee Muqdisho, isagoo dhaleeceeyay mucaaradka weerarkaasi ku lug lahaa.
Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku tilmaamay masuuliyiinta weerarka inay yihiin dad aan caqligoodu iyo waayo-aragnimadoodu ka reebin inay qaadaan ficillo lid ku ah amniga iyo dowladnimada.
โSidee dal loogu aamini karaa ninka goโaansaday inuu saldhig weeraro, ciidan qaran laayo, maxaabiis xoog ku sii daayo, islamarkaana qalqal ku abuuro amniga Muqdisho?โ ayuu yiri wasiirku.
Isagoo sii hadlaya ayuu ku eedeeyay mucaaradka inay shacabka Muqdisho, oo malaayiin ka mid ah ay diiwaan gashan yihiin si ay cod ugu dhiibtaan doorashada gobolka Banaadir, ku dhiirrigelinayaan inaysan ka qeybgalin codbixinta, halka ay isla markaana doonayaan taageero.
Fiqi ayaa sheegay in โmadasha mucaaradka aysan jirin cid ka caqli liidataโ, balse uu Ilaahay ka dhigay inay shacabka hortiisa ku ceeboobaan, ayna noqoto wax aan cidna sir u noqon karin.
Wasiirka gaashaandhigga ayaa carabka ku adkeeyay in dowladda iyo shacabka Muqdisho aysan u dulqaadan doonin in amniga lagu celiyo heerarkii hore ee qalalaasaha, isagoo xusay in shaqo adag lagu bixiyay sidii caasimaddu u qurux badan lahayd.
โQofna laga yeeli maayo in la noqdo meesha laga yimid,โ ayuu ku soo gabagabeeyay qoraalkiisa.
Hadalka Fiqi ayaa imanaya yada oo ay ka sii dareyso xiisadda siyaasadeed ee Muqdisho. Ciidamada amniga ayaa xalay xiray Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta, Cumar Cali Rooble, iyo ganacsade Cali Xaaji Iimaan iyo Bulaale, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online.
Wararka ayaa sheegaya in dhammaan xubnaha la xiray oo ka soo jeeda Beesha Waceysle lagu qabtay agagaarka Hotel Global, ee Waqooyiga Muqdisho, halkaas oo uu deggenaa ganacsade Cali Xaaji Iimaan.
Cumar Cali Rooble, Cali Xaaji Iimaan iyo Bulaale ayaa ka mid ahaa dadka si weyn uga cabanayay arrinta dhulka Siinaay iyo sida ay dowladdu u maareysay. Shalay ayay qeyb ka ahaayeen xubnihii mucaaradka ee lagu rasaaseeyay saldhigga degmada Wardhiigley.
Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa Arbacadii uga digay shacabka in loo adeegsado ujeedooyin lagu carqaladeynayo amniga dalka, xilli siyaasiyiinta mucaaradka ay ku dhawaaqeen mudahaaradyo waaweyn oo ka dhici doona magaalada Muqdisho dhamaadka toddobaadkan.
War-saxaafadeed rasmi ah oo ay soo saareen Booliska ayaa lagu yiri โWaxaan shacabka Soomaaliyeed uga digeynaa in aysan ku dhex milmin kooxaha ujeedadoodu tahay in ay carqaladeeyaan amniga, una sahlaan maleeshiyaadka argagixisada ah ee dowladdu dagaalka kula jirto
Dhanka kale, madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, haatanna ah guddoomiyaha Madasha Samatabixinta Qaranka, ayaa horey u iclaamiyay mudahaaradyo nabadeed oo dhici doona Sabtida, 27-ka Sebteembar.
โWaxaan rabnaa in umadda Soomaaliyeed u sheegno, anagu dagaal ma rabno, xabado ma sidano, cid aan dhib ku nahay ma jirto. Waxaase garab taaganahay dadka dulman ee Soomaaliyeed ee aragtaan,โ ayuu yiri Shariif.
Wuxuu sheegay in mudahaaradku ka dhici doono saddex goobood oo kala ah Tarbuunka, Siinaay iyo Dayniile, isagoo shacabka ugu baaqay inay si nabad ah isugu soo baxaan.
Shariif ayaa sidoo kale ku eedeeyay dowladda Xasan Sheekh inay dhaaftay xuduud sharci, isagoo ku tilmaamay โtuugo u baahan in la hor istaago.โ
โTuugada haddaadna ka hortagin, guryaha ayay noogu imanayaan, kuma joogsanayaan sidan. Waa in lagu celiyo xadkoodii,โ ayuu raaciyay.
ย
ย