Xog: Sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidanka DF Soomaaliya oo lagu xiray Somaliland

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) โ€“ Taliyihii hore ee guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor ee Soomaaliya, Gaashaanle dhexe Xasan Ciraaqi, ayaa ciidamada Somaliland xabsiga dhigeen, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Taliyaha ayaa la xiray xilli uu ku sugnaa magaalada Wajaale, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Somaliland, kuwaas oo aan faahfaahin dheeraad ah ka bixin xariggiisa.

Maalmihii dambe, taliyaha waxa uu ku sugnaa magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida, wuxuuna shalay uga sii gudbay magaalada xuduudda ku taalla ee Wajaale, gaar ahaan dhanka maamulka Somaliland.

Ciidamada ammaanka Somaliland ee Wajaale ku sugan ayaa la sheegay inay aqoonsadeen wajiga taliyaha, ayna halkaas ku qabteen, iyagoo iska fasaxay qof kale oo la socday.

Xasan Ciraaqi ayaa isla markiiba loo qaaday dhanka magaalada Hargeysa, waxaana la sheegay inuu haatan ku xiran yahay xabsiyada magaaladaas. Warar ayaa intaas ku daraya in laamaha ammaanka Somaliland ay baaritaan ku wadaan, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin eedeymo cad oo loo jeediyay.

Gaashaanle dhexe Xasan Ciraaqi ayaa ka mid ahaa saraakiisha ugu caansan ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan qeybta Gorgor. Waxa uu si joogto ah uga soo muuqan jiray warbaahinta, isaga oo hoggaaminayay howl-gallo kala duwan oo ka dhacay gobollo badan oo dalka ah.

Xiritaanka sarkaalkaan ayaa dhaliyay suโ€™aalo badan, iyadoo la isweydiinayo sababta uu taliyahan, oo soo hoggaamiyay mid ka mid ah ciidamada ugu tababarka sareeya ciidanka Soomaaliyeed u tagay magaalada Wajaale oo ay ka arrimiso Somaliland.

Xarigiisa ayaa ku soo beegmaya xilli ay kasii dartay xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, kadib markii uu buray heshiiskii ay Hargeysa la gashay Itoobiya, iyo dadaallada aqoonsi raadinta ee Somaliland ka waddo magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

- Advertisement -

Read more

Local News