Daawo: Sheekh masjid ku yaal Muqdisho ‘ka nacladay’ mucaaradka oo qabanaya dibadbax

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) โ€“ Sheekh Cali Dheere oo ka mid ah culimada magaalada Muqdisho ayaa khudbadii Jimcaha kadib ka hadlay banaanbaxa uu ku dhawaaqay mucaaradka, kaas oo berri ka dhigayaan magaalada Muqdisho.

Sheekh Cali ayaa sheegay in Diinta aysan ogoleyn in shacabka laga qalqal geliyo amniga ay haystaan, isla markaana la horkaco banaanbax dhibaato u geysanaya shacabka.

โ€œKa gamban meyno, diinta Islaamku ma ogola mudaharaad dhibaato wata, dadka waxaan leeyahay guryihiina jooga,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo kamid ah culimada da’da ah ee magaalada Muqdisho

Waxa uu intaas kusii daray “Kii mudaharaad sameeya waa nacladayna shaqsi ha ahaado ama shaqsiyaad, ma ogola diinta Islaamka mudaharaad iyo in la iska hor imaado oo nabad-galyada dadka la dardaro oo masaakiinta miisaska laga jajabiyo, guryaha la tuuryeeyo, oo dadka sharafta leh lagu xadgudbo diinta Islaamka ma ogola.”

Sheekhan ayaa bulshada ugu baaqay in aysan qeyb ka noqon abaabulka banaanbaxa ay wadaan siyaasiyiinta mucaaradka, kaasi oo la qorsheynayo in maalinta berri ah uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

“Arrintaas waa arrin khalad ah waaye, waa arrin aan suuroobeyn, nabadgelyada yaan wax loo dhimin. Cidii dacwo qabto ama la xun tahay dowladda waa dacweyn karyaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Cali Dheere.

Hadalkan ayaa imanaya xilli mucaaradka uu magaalada Muqdisho ka wado abaabulka banaanbaxa berri, iyadoo saaka ciidamo badan oo dowladda ka tirsan lagu arkayay wadooyinka muhiimka ah ee caasimadda, gaar ahaan goobaha ay gaadiidku iskaga gudbaan, si looga hortago isu-soo-baxa.

Dowladda Federaalka, maamulka Gobolka Banaadir iyo hayโ€™adaha ammaanka ayaa si wadajir ah u diiday qabsoomidda banaanbaxaasi, iyago ka digay cawaaqibka ka dhalan karta isku day kasta oo sharci darro lagu fuliyo.

Banaanbaxan ayuu mucaaradka sheegay in looga soo horjeedo dowladda Xasan Sheekh, laguna muujinayo diidmada dhul boobka iyo barakicinta shacabka ee dhulka danta guud, taas oo magaalada Muqdisho ka abuurtay xiisad xooggan.

Hoos ka daawo muuqaalka

- Advertisement -

Read more

Local News