Xog: Shir xasaasi ah oo u socda hoggaanka mucaaradka iyo guddi dhex-dhexaadin ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) โ€“ Hoggaanka Madasha Samatabixinta iyo guddi xildhibaanno ah oo kasoo jeeda beesha Hawiye ayaa wuxuu hataan shir xasaasi ah uga socda magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo daba socda waanwaan uu guddigan saacadihii u dambeeyay ka dhex waday dowladda iyo xubnaha mucaaradka ayaa waxaa looga hadlayaa qaboojinta xiisadda taagan, iyo sidii looga baaqsan lahaa bannaanbaxa berri ay ku baaqeen mucaaradka.

Xiisad u dhaxeysa siyaasiyiinta mucaaradka iyo dowladda federaalka ayaa xoogeystay kadib markii Arbacadii ay iska horimaad ku dhexmaray Saldhigga Warta Nabadda, halkaasoo mucaaradka ay tageen iyagoo la socdaan ciidan hubeysan.

Banaanbaxan ayaa la qorsheeyay inay ka dhacaan degmada Dayniile, Tarabuunka iyo Siinaay oo kamid ah meelaha ay ka taagan yihiin xiisadaha ka dhashay dhulalka danta guud ee laga raray shacabka.

“Waxaan rabnaa in umadda Soomaaliyeed u sheegno anaga dagaal ma rabno, xabado ma sidano, cid aan dhib ku nahay ma lahan, waxaase garab taaganahay dadka la dulminayo ee Soomaalida ee aragtaan,” ayuu yiri madxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Shariif.

Waxa uu intaas kusii daray “Madashu waxay rabtaa inay ku baaqdo Soomaali meel ay joogto mudaharaad nabadeed, oo lagu diidan yahay falalka waxshinimida ah iyo dhul boobka ka socda magaalada Muqdisho.”

Dhinaca kale Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo ka horyimid go’ankan ayaa isna shaaca ka qaaday in xubnaha hadlay aysan qaban karin mudaharaad, sidoo kalena aysan xukumin goobaha ay sheegeen in la’isugu tago.

“Mudaaharaad ay ku baaqi karaan ma jiro, Tarabuun adi ma xukuntid, mana u xilsaarnid Siinaay ma xukuntid meel aad u calaameyn kartana ma jirto” ayuu yiri Muungaab.

Sidoo kale wuxuu amar siiyay laamaha amniga oo uu faray in tallaabo adag ay ka qaadaan, cid kasta oo ku xadgudubta nabadda iyo xasiloonida ka jirta magaalada Muqdisho.

Si kastaba, kulamada haatan socda ayaa si dhow isha loogu hayaa, iyadoo laga dhursugayo natiijada ka soo baxda, maadaama maalinta berri oo Sabti ah ay mucaaradka doonayaan inay qabtaan bannaanbax ballaaran.

- Advertisement -

Read more

Local News