Muqdisho (Caasimada Online) – Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo ganacsato caan ah ayaa goordhow tagay guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo galabta uu ka dhacay kulan u dhaxeeyay guddi xildhibaanno ah oo kasoo jeeda beesha Hawiye iyo hoggaanka mucaaradka.
Xubnahan uu horkacayay Ugaaska ayaa waxaa kamid ah ganacsadaha caanka ah Ibraahim Kaah iyo ganacsade Mursal Kadiye, kuwaas oo si rasmi ah ugu biiray dadaalada lagu qaboojinayo xiisada ka dhalatay bannaanbaxa ay ku baaqeen mucaaradka.
Kulankii u dhaxeeyay guddigii xildhibaannada beesha Hawiye ee ku baxay waan-waanta xiisadda dowladda iyo mucaaradka ayaa soo dhammaaday, waxaana loo balamay kulan kale oo caawa fiidki ka dhici doona isla guriga Madaxweynihii hore Sheekh Shariif.
Dadaalada socda ayay waxay dhammaan gundhig u yihiin baajinta bannaanbaxa, inkastoo khilaafka markii hore uu ka billowday arrimaha dhulka iyo doorashooyinka.
Tan ayaa u baahnaan doonta heshiis siyaasadeed iyo sida madaxweynuhu u aqbalo kiiska doorashada inuu miiska soo saaro.
Si kastaba, dadka Muqdisho ayaa isha ku haya kulamada iyo dadaalada socda natiijada ka soo baxda, maadaama maalinta berri oo Sabti ah ay mucaaradka doonayaan inay qabtaan bannaanbaxa.
Sidoo kale, dowladda ayaa qorsheyneysa inay ka hortagto banaanbaxan, waxaana gaadiidka qafilan ay geysay baraha koontaroolada laga galo garoonka diyaaradaha oo ah xeyndaabka madaxda mucaaradka degan yihiin.
Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo shalay si cad u sheegay in xubnaha muwaadiniinta aysan qaban karin mudaharaad, sidoo kalena aysan xukumin goobaha ay sheegeen in la’isugu tago.
“Mudaaharaad ay ku baaqi karaan ma jiro, Tarabuun adi ma xukuntid, mana u xilsaarnid Siinaay ma xukuntid meel aad u calaameyn kartana ma jirto” ayuu yiri Muungaab.
Guddoomiyaha ayaa amar siiyay laamaha amniga oo uu faray in tallaabo adag ay ka qaadaan, cid kasta oo ku xadgudubta nabadda iyo xasiloonida ka jirta magaalada Muqdisho.