27.5 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Sheekh Shariif oo shaaciyay in la xiray nabadoonnada beeshiisa

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in dowladda ay xirtay nabadoonnadii u badnaa ee beeshiisa.

Shariif ayaa dalbaday in deg-deg loo sii daayo, isagoo si cad u sheegay in banaanbaxa berri uu dhacayo, ayna xaq u leeyihiin in shacabka muujiyaan dareenkooda, isla markaana aysan ka laabanayn.

Nabadooonnadan ayaa lagu xiray saldhiga degmada Kaaraan, kadib markii ciidamada booliska ay kasoo xireen hoteelka Lafweyn ee degmada Kaaraan, halkaasi oo ay shir ku lahaayeen odayaashan.

“Waxaa la xiray nabadoono, weliba aniga nabadoonadeydii khaaska ahaa. Waxaa la socotiin in ciidamo lagu soo wareejiyo meesha uu mucaaradka ku badan yihiin. Ciidamadan sow ma fiicnayn in aagaga dagaalka aadan,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Waxa uu intaas kusii daray “Ilaalada aan wadano waa kuwii aan shalay wadanay waaye oo Madaxtooyada ku tegi jirnay, oo isbitaalka ku tegi jirnay, saldhiga in aan ku tagno maxaa diidaya. Saldhiga sidiisaba waa goob cadaaladeed, booliska wuxuu la shaqeeya maxkamadaha iyo cadaalada, oo mucaaradka tagaya oo muxaafidka tagaya.”

Xalay ayay aheyd markii la xiray Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta Cumar Cali Rooble, ganacsatada Cali Xaaji Iimaan iyo Bulaale, isla markaana saacado kadib lasii daayay.

Mas’uuliyiintan, oo ka soo jeeda beesha Waceysle ayaa lagu qabtay agagaarka Hotel Global ee waqooyiga Muqdisho, halkaas oo uu deggenaa Cali Xaaji Iimaan, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sii deyntooda ayaa timid kadib markii ay soo dhex galeen xubno mucaarad ah oo ay hoggaaminayeen Xildhibaan Ugaas Dhagey Geelle, Senator Dhagdheer, Xildhibaan Yaasiin Farey iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, kuwaas oo lagu sheegay inay kaalin muuqata ku yeesheen damiinta lagu sii daayay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sii daynta uu soo amray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan shirka Qaramada Midoobe ee New York.

Cumar Cali Rooble, Cali Xaaji Iimaan iyo Bulaale ayaa horey uga mid ahaa siyaasiyiinta iyo ganacsatada si adag uga hadlay muranka dhulka Siinaay iyo sida ay dowladdu u maareyneyso. Arbacadii waxay qeyb ka ahaayeen xubnihii mucaaradka ahaa ee rasaasta lagu kala eryay xilli ay ku sugnaayeen Saldhigga degmada Warta Nabadda.

Xarigga iyo sii deyntan deg-degga ah ayaa sii hurinaysa xiisadda siyaasadeed ee Muqdisho, xilli mucaaradku ay abaabulayaan bannaanbax ballaaran oo lagu wado inuu qabsoomo Sabtida, kaas oo dowladdu si weyn uga soo horjeedo.

- Advertisement -

Read more

Local News