27.5 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Xasan Sheekh oo ka hadlay 4 qodob oo xasaasi ah xilli ay taagan tahay xiisad culus

Bookmark
Bookmarked

Share

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka Mareykanka ayaa ka hadlay afar qodob oo xasaasi ah, kuna aadan xaaladda dalka, xilli ay taagan tahay xiisad culus.

Xasan Sheekh oo ka qeyb galay barnaamij uu soo diyaariyay Machadka Council On Foreign Relations ayaa si faah-faahsan uga hadlay dagaalka Al-Shabaab, siyaasadda, dhaqaalaha, iyo wada-hadallada Somaliland.

Ugu horreyn wuxuu soo bandhigay guulaha waa wayn ee ay dowladdiisu ka gaartay dagaalka argagixisada, gaar ahaan dhulka ballaaran ee laga saaray, isaga oo ku ammaanay guushaas ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa xaq-u-dirirka deegaanka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaalka tooska ah uu barbar socday dagaal kale oo dhinaca dhaqaalaha iyo fikirka ah, si loo cuuryaamiyo argagixisada ku sugan Soomaaliya.

“Dagaalka aan ku jirno kaliya ma ahan mid Militeri, waxaa jira mid dhinaca fikirka iyo dhaqaalaha, inta badan hadda waxaa jira guulo muuqda oo laga gaarey” ayuu yiri ,adaxweynuhu.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrinta doorashada oo uu haatan muran xooggan ka taagan yahay, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay socoto diiwaangelinta dadweynaha ee doorashada qof iyo codka ah, si ay dadka Soomaaliyeed usoo doortaan hoggaankooda beri.

Waxaa kale oo uu ka hadlay kobaca dhaqaalaha dalka, isaga oo xusay in Soomaaliya laga cafiyay deyn gaareysa illaa $5 bilyan, isla markaana ay dhistay sharciyo iyo nidaamyo fududeynaya maalgashiga, gaar ahaan kheyraadka dabiiciga ah, saliid, shidaal iyo badda.

Ugu dambeyn waxa uu khudbadiisa kusoo hadal qaaday wada-hadallada hakadka ku jira ee DFS iyo Somaliland, wuxuuna sheegay in markasta ay diyaar u yihiin wada-hadal ka turjumaya ilaalinta Midnimada dalka, si guul looga gaaro dadaallada haatan socda.

Si kastaba, hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Muqdisho ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo xoog leh, taas oo ka dhalatay dagaalkii ka dhex-qarxay ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka ee todobaadkii hore ka dhacay saldhigga Warta Nabadda, waxaana haatan dhaq-dhaqaaq iyo abaabulka dibadbax ku howlan mucaaradka dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News