27.5 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Xasan Sheekh iyo Trump oo kulmay kadib arrintii uu shaaciyey Trump

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay casho sharaf uu magaalada New York ku sameeyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo lagu xusayey 80-guuradii ka soo wareegtay aasaaska Qaramada Midoobay, sida ay sheegtay Villa Somalia.

Villa Somalia ayaa barteeda X ku qortay: “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay casho sharaf ay martigeliyeen Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Marwada Koowaad Melania Trump, taas oo lagu maamuusay madaxda dalalka iyo dowladaha ka qeyb-galaya xuska 80-guurada Qaramada Midoobay.”

Qoraalka ayaa waxaa la socday sawirka Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay dhinac taagan yihiin Trump iyo Melania. Wax faahfaahin dheeraad ah lagama bixin kulanka.

Kulankan ayaa imanaya iyadoo maalmihii dhowaa Madaxweyne Trump uu marar badan u gefay Soomaaliya, isaga oo ku xumeynaya xildhibaan Ilhaan Cumar oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, kana tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka, iyadoo matasha gobolka Minnesota iyo xisbiga Dimoqraadiga.

Trump ayaa Khamiistii sheegay inuu ka codsaday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu “dib u qaato” Ilhan Cumar, oo ah xildhibaanad Mareykan ah oo asal ahaan ka soo jeedda Soomaaliya, taasoo muddo dheer ka mid ahayd shaqsiyaadka uu siyaasad ahaan sida gaarka ah u beegsado.

Trump ayaa hadalkan ka sheegay Xafiiska Oval Office ee Aqalka Cad, ka dib markii uu saxiixay amar madaxweyne oo waddada u xaaraya in shirkadda TikTok, qeybteeda Mareykanka, ay noqoto mid ay leeyihiin Mareykan.

“Waxaan la kulmay madaxweynaha Soomaaliya,” ayuu Trump u sheegay weriyeyaasha. “Waxaan u soo jeediyay inuu laga yaabo inuu jeclaan lahaa inuu dib u qaato. Wuxuuna yiri, ‘Anigu ma doonayo.’”

Ma cadda, haddii kulanka uu Trump uu sheegay uu yahay midka ay caawa baahisay Villa Somalia.

Dhinaca kale, Ilhaan oo Trump ugu jawaabtay barta X, ayaa qortay “Waxay ka timid inuu dafiro in Soomaaliya ay madaxweyne leedahay ilaa inuu sheeko abuurayo, Madaxweyne Trump waa beenlow nacas ah,” ayay Ilhaan qortay. “Qofna waa inuusan si dhab ah u qaadan nacaskan ceebaha wada.”

Trump ayaa toddobaadkii tegay barta Truth Social, mar kale si toos ah ugu weeraray Soomaaliya, isagoo dalkii ay ku dhalatay Ilhaan ku sifeeyay mid ay la degtay “gacan ku hayn la’aanta dowladda dhexe, saboolnimo joogto ah, gaajo, argagixisanimo soo laba kaclaynaysa, burcad-badeed, tobannaan sano oo dagaal sokeeye ah, musuq-maasuq iyo rabshado baahsan.”

Wuxuu sheegay in 70 boqolkiiba dadweynuhu ay ku nool yihiin saboolnimo ba’an, wuxuuna ku eedeeyay mas’uuliyiinta Soomaaliya inay maamulaan “dowlad fashilantay oo ay hareeyeen laaluush iyo lunsi hanti dadweyne.”

Ilhaan, oo la doortay 2018-kii, kana mid noqotay haweenkii ugu horreeyay ee Muslim ah ee ka mid noqda Congress-ka, ayaa si isdaba joog ah ay isku dhacayeen Trump. Sannadkii 2019, waxay bartilmaameed dhexe u ahayd ololihiisii isku soo baxyada ee lagu dhawaaqayay “dib u celiya,” kuwaasoo dhaliyay dhaleecayn ballaaran oo lagu tilmaamay inay yihiin cunsuriyad.

In kasta oo ay jirto dhaleecayntaasi, Trump wuxuu sii waday inuu xoogga saaro asalka Soomaalinimo ee Ilhaan si uu siyaasad ahaan ugu weeraro, halka sharci-dejiyeyaasha iyo falanqeeyayaasha garabka midig ay inta badan soo qaataan dhaleecaynteeda tooska ah ee ay u jeediso siyaasadda arrimaha dibedda ee Mareykanka iyo Israel, iyagoo u adeegsanaya sabab looga saaro Congress-ka.

- Advertisement -

Read more

Local News