Abiy Ahmed oo ku dhawaaqay dhismaha tamar nukliyeer kadib heshiis uu la gaaray…

Bookmark
Bookmarked

Share

Moscow (Caasimada Online) โ€“ Raโ€™iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa magaalada Moscow kaga dhawaaqay in dalkiisu hirgelin doono barnaamij tamar nukliyeer ah, kaddib markii uu ka qeybgalay shir saddex maalmood socday oo lagu magacaabo World Atomic Week.

Abiy wuxuu sheegay in Itoobiya muddo dheer xoogga saareysay tamarta nadiifta ah, isagoo tusaale u soo qaatay biyo-xidheenka weyn ee Grand Ethiopian Renaissance Dam, kaas oo uu ku tilmaamay calaamad muujinaysa goโ€™aanka dalkiisa ee ku aaddan ka faaโ€™iidaysiga ilo tamareed aan wasakhaynin.

Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa shaaciyay in barnaamijka cusub uu qayb ka yahay iskaashi Ruushku hormuud u yahay, kaas oo ku wajahan horumarinta tignoolajiyadda nukliyeerka.

Intii uu shirka socday, Abiy wuxuu caddeeyay in Itoobiya aysan ku koobnaan doonin kaliya awoodda tamarta hadda jirta, balse ay qorsheynayso in kor loo qaado wax-soosaarka si loo taageero horumarka bulshada iyo dhaqaalaha. Sida uu sheegay, nukliyeerku wuxuu noqon doonaa tiir muhiim u ah mustaqbalka dalka.

Labada dowladood ayaa sidoo kale ku heshiiyay in ay iska kaashadaan arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin:

  • Dhisidda kaabayaal tamarta nukliyeerka ah ee Itoobiya.
  • Tababaridda iyo kobcinta khubarada cilmiga nukliyeerka.
  • Dejinta xeerar iyo nidaamyo amni oo ku saabsan tamarta nukliyeerka.
  • Abuurista xarumo cilmi-baaris iyo tignoolajiyad la xiriirta.
  • Isdhaafsiga aqoon iyo farsamooyin amni.
  • Adkaynta xiriirka labada dal ee dhanka tamarta.

Safaaradda Ruushka ee Itoobiya ayaa sheegtay in labada dhinac ay ku heshiiyeen in iskaashigu ku dhisnaado is-ixtiraam iyo dan guud.

Abiy oo khudbaddiisa ku dheeraaday, wuxuu ku nuuxnuuxsaday in tignoolajiyadda nukliyeerka aysan Itoobiya uga dhignayn oo keliya tamar la isticmaalo, balse ay door muhiim ah ka ciyaari doonto dhinacyada caafimaadka, cunnada, hal-abuurka iyo warshadaha.

โ€œBarnaamijkan waxaan u wajahnaa si masuuliyad leh, iyadoo qorshe iyo heerar amni oo sarre loo dejin doono,โ€ ayuu yiri Abiy, isagoo xusay in mashruucu yahay mid nabadeed oo loogu talagalay danaha shacabka Itoobiya oo tiradoodu kor u dhaafayso 130 milyan.

- Advertisement -

Read more

Local News