Deni, Axmed Madoobe iyo Madasha oo ku dhowaaqay dhismaha isbaheysi cusub

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) โ€“ Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, iyo xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta Soomaaliya ayaa qodobo ka soo saaray shir ay maanta ku yeesheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyagoo ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amniga Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Raโ€™iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, Raโ€™iisul Wasaarihii hore Cabdi Saacid Faarax Shirdoon iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay kulanka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in kulanka lagu goโ€™aamiyay dhowr arrimood oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin:

1- In la dhiso Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada Jubaland iyo Puntland.

2- In si dhaqso ah shir kale loogu qabto gudaha dalka Soomaaliya si looga gaaro heshiis siyaasadeed oo ku saabsan mustaqbalka dalka.

3- In shirka socda lagu dhammeystiro dhismaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

4- In shacabka Soomaaliyeed loogu baaqo midnimo iyo iskaashi, loona istaago ilaalinta Qarannimada, Xasilloonida iyo Wadajirka dalka.

5- In lagu bogaadiyo Dowladda Kenya kaalinta ay ku bixisay fududeynta iyo martigelinta shirka.

โ€œShirku wuxuu ugu baaqayaa guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan ilaalinta iyo ka shaqeynta midnimadooda, xasilloonida dalkooda, kana hortagaan cid kasta oo dhaawacaysa wadajirkooda,โ€ ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in shirka Nairobi uu ahaa mid lagu dhisayay kalsooni siyaasadeed, isla markaana lagu xoojinayay dadaallada lagu doonayo in Soomaaliya hesho โ€œmustaqbal wanaagsan oo horseeda xasillooni siyaasadeed, amni sugan iyo horumar dhaqaale.โ€

Qodobka koowaad ee bayaanka ayaa loo arki karaa inuu ka dhigan yahay in ay burbureen wada-hadalladii Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh, inkasta oo aan la hubin, maadaama sida muuqata la dhisayo isbahaysi cusub oo ka dhan ah dowladda federaalka.











- Advertisement -

Read more

Local News