Kadib dhacdadii saldhiga, DF oo digniin adag siisay siyaasiyiinta mucaaradka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) โ€“ Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin adag u dirtay siyaasiyiinta mucaaradka, oo dhawaan iska hor imaad hubeysan ka riday saldhiga Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macalin ayaa hoggaamiyeyaasha mucaaradka uga digay inay mar kale tagaan saldhigyada ciidanka booliska Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu ku booriyay mucaaradka in aysan qaadin tallaabooyin carqalad ku noqon kara amniga guud, isla markaana khatar geliya naftooda, sidii tii dhawaan ka dhacday saldhiga Warta Nabadda.

โ€œWaxaan mucaaradka leeyahay ha tegina saldhigyada booliska, haddii aad rabtaan inaad shacabka la kulantaan u taga degmooyinka oo dadka la hadla. Goobaha amniga ee maxaabiista lagu hayo ma ahan meel aad ku muujisaan siyaasaddiina, waana halis idin iyo annaga intaba nagu ah,โ€ ayuu yiri Wasiir Xasan Macalin.

Intaasi kadib, wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha dastuurka, isagoo carrabka ku adkeeyay in xukuumadda Dan-Qaran ka goโ€™an tahay dhammaystirka dastuurka muddo dheer qabyada ahaa.

โ€œWaad aragteen khudbadii madaxweynaha ee furitaanka baarlamaanka in waxyaabaha uu ka hadlay ay kamid aheyd sida dadaalka ugu jirto dowladda Soomaaliya sidii ay u dhameystiri laheyd dastuurka oo wada tashiyo badan la galiyay sidii loogu heshiin lahaa dastuur dhameystiran,” ayuu yiri Wasiir Xasan Macallin.

Waxa uu intaas kusii daray wasiirku “Dadaaladaas hadda socda meel wanaagsan ayay marayaan, waana la dhameystiraya”.

Hadalka wasiirka ayaa imanaya xilli xaaladda siyaasadeed ee dalka ay weli tahay mid kacsan, iyadoo muranno siyaasadeed oo ka dhashay dastuurka iyo qorshaha doorasho qof iyo cod ah ay wali taagan yihiin.

Xiisadda ayaa kasii dartay kadib markii dhawaan iska hor imaad hubeysan uu mucaaradka iyo dowladda ku dhexmaray saldhiga Warta Nabadda. Mucaaradka oo markaas sheegay inay saldhiga u tageen inay soo damiintaan dad shacab ah oo loo xiray arrimaha dhulka danta guud ayaa muujiyay in naftooda halis la geliyay.

Booliska ayaa dhankiisa sheegay in iska hor imaadka uu ka dhashay in hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo wata ciidan hubsay ay isku dayeen inay xoog kusoo galaan saldhigga oo ku xiran yihiin maxaabiis loo xukumay dambiyo culus.

Mucaaradka ayaa isla habeenkaasi ku dhawaaqay banaanbax dadweyne oo looga soo horjeedo barakicinta dhulka danta guud ee magaalada Muqdisho, kaasi oo markii dambe la baajiyay kadib guddi xildhibaanno iyo dhaqan ah oo waanwaan ka dhex sameeyay dowladda iyo mucaaradka.

Inkastoo oo mucaaradka uusan gebi ahaanba ka laaban qabashada banaanbaxa, haddana waxaa dib loo dhigay muddo 9 maalmood gudahood, iyadoo wixii farsamo ah laga shaqayn doono ka hor.

Sidoo kale waxaa la isla gartay in dowladda iyo mucaaradka si wadajir ah uga shaqeeyaan bannaanbaxa, si uu ugu qabsoomo nabad ay dowladdu amnigeeda sugeyso.

Si kastaba, arrimahaan ayaa uga sii daraya amniga caasimadda, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda u dhaxeysa siyaasiyiinta mucaaradka iyo dowladda, oo salka ku haya wax ka beddelka dastuurka iyo sidoo kale arrimaha dhulka danta guud, oo mucaaradka si adag uga horyimid barakicinta shacabka.

- Advertisement -

Read more

Local News