Saylac (Caasimada Online) – Magaalada Saylac ee gobolka Awdal ayaa waxaa ka taagan xiisad xooggan, taaso salka ku haysa in Xeer Ciise looga dabaaldego gudaha magaalada.
Magaalada ayaa waxaa saaka ka dhacay gadood socday saacado, kaddib markii qaar ka mid ah dadka deegaanka ay si cad uga horyimaadeen munaasabad la qorsheeyay in lagu xuso Xeer Ciise, oo dhawaan ay hay’adda UNESCO u aqoonsatay dhaxal aadane oo muhiim ah.
Beel ka mid ah kuwa deegaanka ayaa gebi ahaanba diiday in magaalada lagu qabto munaasabadda, iyagoo ku dooday in magaalada iyagu leeyihiin, isla markaana aan wax tallaabo ah lagu samayn karin iyada oo aan lagala tashan.
Odayaal ka tirsan beeshaasi ayaa si adag uga horyimid xafladda, waxayna sheegeen in aan la aqbali doonin in xeer ay ku tilmaameen mid sharci-darro ah lagu soo geliyo magaalada.
Waxay sidoo kale ku adkaysteen in Saylac ay tahay dhul reer Somaliland leeyahay, ayna diyaar u yihiin inay ka hortagaan cid kasta oo isku dayda in arrimo kale lagu soo dhoobo.
Sidoo kale, dadka kasoo horjeeda xeerka ayaa ku eedeeyay kooxaha qaban-qaabinaya xafladda in arrintani ay tahay mid ka dhan ah Somaliland, isla markaana laga soo abaabulay magaalada Muqdisho. Waxay ugu baaqeen xukuumadda inay tallaabo adag ka qaaddo dadka ku howlan hirgelinta xafladda.
Odayaasha dhan kale ayaa iyaguna Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Cabdi ku eedeeyay in uu door weyn ku leeyahay qalalaasaha ka socda magaalada.
Waxaa kale oo ay sheegeen in dhalinyaro kasoo jeeda magaalada Borama oo lagu sheegay “dalxiisayaal” lagu soo daadgureeyay Saylac taasina ay uga sii dartay khilaafka.
Dhanka kale, dhalinyaro kale ayaa ku doodday in magaalada lagu soo daabulay kooxo dhalinyaro ah oo ka yimid Itoobiya iyo Jabuuti, kuwaas oo weerarro ku qaaday odayaal deegaanka ku sugnaa.
Odayaal kale oo ka hadlay dhacdadan ayaa hoosta ka xarriiqay in haddii qalalaasaha uu sii baaho masuuliyadda dusha laga saari doono Madaxweyne ku-xigeenka, iyagoo sheegay in arrintu u muuqato mid sii fogaan karta haddii aan si degdeg ah wax looga qaban.
Booliska Somaliland ayaa soo dhexgalay markii dhalinyaro labada dhinac ah ay isku dhaceen gudaha magaalada, waxayna ku guuleysteen inay kala eryaan. Xaaladda magaalada Saylac ayaa hadda la sheegay inay degan tahay, inkastoo xiisaddu weli taagan tahay.