28.9 C
Mogadishu
Friday, October 3, 2025

BOOLISKA oo digniin culus kasoo saaray arrin halis ah oo kusoo korortay Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi), ayaa digniin adag u diray ciidamada ammaanka, isagoo ka mamnuucay in hubka ay wataan loo dhiibo shacabka.

Tan ayaa muddooyinkii dambe aheyd halis amni oo soo korortay, waxaana talisku mamnuucay in askartu hubkooda ay u dhiibaan ama gacanta u geliyaan dadka shacabka, gaar ahaan dhallinyarada ku duuba muuqaalada lagu baahiyo baraha bulshada.

Macallin Mahdi ayaa sheegay in askari kasta oo sidaas sameeya la horgeyn doono maxkamad, isagoo ku tilmaamay arrintaasi mid khatar amni dhalin karta isla markaana ah masuuliyad darro.

“Ciidanka booliska waxay uga digayaan dhammaan askarta in aysan hubkooda u dhiibin dadka rayidka ah, sidoo kale shacabku uusan hub ku ciyaari karin, muuqaalo halis gelinaya bulshada aan lagu duubi karin,” ayuu yiri Taliye Macallin Mahdi.

Waxa uu intaas kusii daray “Qof kasta oo lagu helo fal noocaas ah waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharciyeed oo adag”.

Hadalkan ayaa yimid kadib markii taliska booliska gobolka uu xiray askari qorigiisa u dhiibay dhallinyaro ku sugnaa garoonka cayaaraha Muqdisho, kuwaas oo iska duubay muuqaal ay ku baahiyeen baraha bulshada. Askariga iyo qofkii rayidka ahaa ee muuqaalka ku jiray ayaa si wadajir ah loo xiray.

Sidoo kale, ciidamada ammaanka ee caasimadda ayaa toddobaadkii la soo dhaafay xiray dhowr dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay falal lid ku ah ammaanka garoonka cayaaraha Muqdisho, halkaas oo Jimcihii hore uu ka bilaabmay tartanka kubadda cagta degmooyinka gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Read more

Local News