Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah safaaradaha Maraykanka ee Bariga Afrika ayaa ku dhawaaqay inay hakad geliyeen macluumaadkii ay ku qori jireen baraha bulshada. Safaaradahaas waxaa ka mid ah kuwa ku yaalla Muqdisho, Nairobi iyo Kampala.
Farriimo isku mid ah oo ay safaaradahaas soo dhigeen bogaggooda baraha bulshada sida Facebook, Instagram iyo X ayey ku sheegeen inaysan si joogto ah macluumaad u soo dhigi doonin barahaas.
“Sababo la xiriira culays xagga qoondada ah, bartan Facebook si joogto ah looma soo dhigi doono macluumaad ilaa iyo inta ay shaqooyinku sii soconayaan, marka laga reebo akhbaaraadka bedqabka iyo amniga,” ayaa lagu qoray barta Facebook ee safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.
Safaaradaha Maraykanka ee bixiya fiisooyinka, sida kuwa ku yaalla Nairobi iyo Kampala, waxay barahooda ku qoreen akhbaar dheeraad ah oo sheegaysa in bixinta fiisooyinka ay sii socon doonto.
Hakinta macluumaadkii lagu qori jiray baraha bulshada ee safaaradaha Maraykanka ee gobolka ayaa timid ka dib ismariwaaga siyaasadeed ee ka taagan Washington, halkaas oo hoggaamiyeyaasha labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga ay isku mari waayeen miisaaniyadda, taas oo sababtay dib-u-dhac ku yimid sharciga cusub ee kharashaadka.
In kasta oo xisbiga Jamhuuriga uu gacanta ku hayo Aqalka Cad iyo Aqalka Wakiillada, haddana wuxuu u baahan yahay taageerada xisbiga Dimoqraadiga ee Aqalka Senate-ka si barnaamijkaas hore loogu sii wado.
Haddii uusan imaan iskaashi dhex mara labada xisbi, mushkiladdu waxay sii jiitamayn kartaa muddo toddobaadyo ah.
Waxaa kale oo sii daba dheeraanshaha ismariwaagan uu sababi doonaa in la joojiyo shaqooyinka xukuumadda qaarkood, gaar ahaan kuwa aan muhiimka ahayn. Kumannaan shaqaale dowladeed ah ayey si toos ah u saamaysay arrintan.
Waxay kaloo saamayn ku yeelanaysaa hawlaha ergooyinka Maraykanka ee dunida, iyadoo Nairobi durba uu saameeyey, maadaama ay istaageen lacagihii halkaas lagu fulinayey ee ka imaanayey dhinaca federaalka Maraykanka.
Waa markii ugu horreysay ee hawlaha xukuumaddu ay istaagaan tan iyo wixii ka dambeeyey 2018–2019, waana markii afraad ee madaxweyne Donald Trump uu wajaho joogsiga hawlaha xukuumadda.
Arrintan waxay sidoo kale soo martay Bill Clinton, oo muddadii ugu dheerayd ay istaageen hawlihii xukuumadda — taas oo ahayd 21 maalmood sannadkii 1995, dhamaadkii muddo-xileedkiisii koowaad.
Barack Obama ayaa isna wajahay 16 maalmood oo hawlaha xukuumaddu ay hakadeen, sababo la xiriira sharciga daryeelka caafimaadka.
Hase yeeshee, Ronald Reagan ayaa ahaa madaxweynihii ugu badan ee ay soo mareen shaqooyinka istaagay. Ilaa siddeed goor ayey hawluhu istaageen intii uu joogay xafiiska sanadihii 1980-meeyadii.
Waxa ka duwan ismariwaaga markan waa mowqifka Aqalka Cad.
Xilliyadii hore, xiritaanka dheer ee dowladda waxaa loo arkayay khatar siyaasadeed, maadaama ay saameyn xun ku yeeshaan nolol maalmeedka dadweynaha iyo sumcadda xildhibaannada iyo madaxweynaha.
Laakiin markan, maamulka Trump wuxuu u muuqdaa mid si buuxda ugu faraxsan inuu xiro qaybo badan oo ka mid ah dowladda Maraykanka muddo dheer. Xitaa waxaa laga digay in maamulka uu u isticmaali doono xiritaanka si uu u aqoonsado shaqaalaha “aan muhiimka ahayn” ee la fasixi karo si rasmi ah.
Muddada uu ismariwaagan soconayo ayaan la saadaalin karin, saamaynta uu hawlaha safaaradaha ku yeelanayana waxay ku xirnaanaysaa sida xal looga gaaro.