26.3 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Muungaab oo maanta fulinaya ballantii uu horay uga qaaday shacabka Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta lagu wadaa inuu ka dhabeeyo ballan qaad uu horay u sameeyay oo la xiriira furista wadooyin ku yaalla caasimada oo muddo dheer xiran.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Ra’iisul wasaare Xamze, Duqa Muqdisho iyo mas’uuliyiinta hay’adaha amniga ayaa saaka si wadajir ah u furi doono waddooyin xirnaa dhowr iyo 10 sano, si loo fududeeyo isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Furista wadooyinkan ayaa kusoo aadaya, xilli haatan uu soo hagaagay amniga Muqdisho oo galay marxalad xasiloon kadib qorshe ay la timid dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo maalmahan ku howlanaa dhismaha waddooyinka caasimada ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in maamulkiisu qaadayo tallaabo culus oo ay go’aamisay xumuumadda Soomaaliya, taas oo lagu furayo waddooyin badan oo hadda xiran, kuwaas oo maanta dhagaxaanta laga qaadayo.

“Dhagxaanta waddooyinka yaalla ee aan munaasabka ahayn in laga qaado ayaa loo baahan yahay maalmaha soo socdo waxaa magaaladan ka dhici doona barnaamij ay xukuumadda soo go’aamisay, maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adaha amnigana ay fulinayaan oo ah in waddooyin dhowr ah oo lambar culus ah oo xiran dib loo furi doono” ayuu horay u yiri Muungaab.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ujeedka uu yahay in shacabka loo fududeeyo isku socodka guud ee Muqdisho, maadaama uu haatan soo hagaagay amniga, wax badana laga qabtay.

“Ujeedka waxaa waayay inuu fududaado guud ahaan isku socodka dadka iyo gaadiidka, iyada oo mar weliba la tixgelinaayo amniga wanaagsan ee caasimada” ayuu sii raaciyay.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale farriin u diray shacabka Soomaliyeed, wuxuuna ka codsaday inay garab siiyaan hay’adaha amniga, ayna kala shaqeeyaan nabad-geylada.

“Bulshada caasimada waxaan ugu baaqayaa in ay mar waliba gacan siiyaan hay’adaha amniga, sababtoo ah amniga kaliya qoray laguma sugo shacabka door ayay ku leeyihiin” ayuu mar kale yiri duqa Muqdisho.

Muungaab ayaa tan iyo markii la magacaabay waday dadaallo horumarineed oo ku aadan caasimada, isaga oo sidoo kale isbeddal wayn ku sameeyay hoggaanka gobolka Banaadir.

Si kastaba ha ahaatee, Arintan ayaa imaaneysa iyadoo mudooyinkan uu sii kordhayay cariiriga ka jira gudaha caasimada, oo saameyn ballaaran ku yeeshay shacabka, maaadaama waqti badan uu kaga lumo jaamka ka jira waddooyinka waa wayn.

- Advertisement -

Read more

Local News