27.4 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Aqalka Sare oo la horgeeyay sharci muhiim u ah DF iyo dowlad-goboleedyada

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la horgeeyay hindise- Sharciyeedka Ilaalinta iyo Taakulaynta Barakacayaasha Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si au mariyaan Akhrinta koowaad.

Wasiirka arrimaha gudaha Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo hortegay golaha ayaa sharraxaad ka siiyay hindise sharciyeedkan oo muhiim ah dowadda dhexe iyo dowlad-goboleedyadyada.

Xoosh ayaa sheegay in sharcigan uu ka mid yahay talaabooyinka muhiimka ah ee dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyadu ay ku wajahayaan arrimaha barakaca, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ugu badan ee ay ka jiraan barakacayaal gudaha ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in masuuliyaddiisu ay tahay ilaalinta iyo taakulaynta barakacayaasha iyo waajibaadkooda.

Wasiirka oo si qote dheer uga hadlay sharcigan ayaa dul istaagan 1 qodob oo muhiim ah, kuwaas oo ka hadlaya ujeeddooyinka sharciga, kuwaas oo kala ah:-

1-In la xaqiijiyo ilaalinta sharafta iyo karaamada aadanaha ee barakacayaashagudaha, sida ku xusan Qodobka 10aad ee Dastuurka KMG JFS.

2-In la dejiyo waajibaad sharci oo cad si ay dowladda iyo hay’adaha kala duwan kuhoggaamiyaan daryeelka iyo taakulayntabarakacayaasha gudaha dalka.

3-In la abuuro nidaam waara oo sharci iyosiyaasadeed si loo yareeyo barakaca soonoqnoqda, loona hormariyo xalal waara.

4-In la waafajiyo siyaasadda gudaha iyosharciga Soomaaliya heshiisyada caalamigaah, gaar ahaan: Heshiiska Kambaala(Kampala Convention 2012) ee Midowga Afrika oo ay Soomaaliya ka mid ahayd saxiixayaashiisa.

Si kastaba, Sharcigan oo ka kooban 12 cutub iyo 31 qodob ayaa waxuu ka hadlayaa; Masuuliyadda Ilaalinta iyo Taakulaynta Barakacayaasha, Waajibaadka & dhisidda Guddi Farsamo ee howlaha Barakacayaasha, Baaxadda Ilaalinta & Taakulaynta Barakacayaasha, Tallaabooyinka Ilaalinta Xilliga Barakacayaasha, wacyigelinta iyo Xalka waara ee Barakacayaasha.

 

- Advertisement -

Read more

Local News