25.1 C
Mogadishu
Sunday, October 5, 2025

DF oo soo saartay amar cusub kadib weerarkii Godka Jilacow

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay amar cusub oo lagu adkeynayo xakamaynta gaadiidka ciidamada, kaddib weerarkii galabnimadii shalay ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday xarunta NISA ee Godka Jilicow, degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa ku wargelisay ciidanka amniga ee jooga baraha hubinta in ay si buuxda u baaraan gaadiidka dowladda, isla markaana si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa hubka iyo gaadiidka ciidamada ee gudaha caasimadda, si loo xaqiijiyo amniga Muqdisho.

“Hay’adaha amniga waxaa lagu amray in ay si adag u xakameeyaan socodka hubka iyo gaadiidka ciidamada gudaha magaalada. Tallaabadani waxay muujineysaa muhiimadda degdegga ah ee ay leedahay baarista iyo xakamaynta gaadiidka lagu rinjiyeeyay midabka ciidamada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha.

Amarkan cusub ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab oo watey dharka ciidamada dowladda iyo gaari lagu rinjiyeeyay calaamadda NISA ay weerar ku qaadeen xarunta sirdoonka ee Godka Jilicow.

“Waxaa lama huraan ah in si buuxda loo dhaqan geliyo xeerarka iyo habraacyada amniga ee lagu ilaalinayo caasimadda, lana xakameeyo hubka iyo gaadiidka ciidamada,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka wasaaradda.

Tallaabadan ayaa haddii la dhaqan-geliyo, si toos ah u saameyn doonta ciidamada ku socda gaadiid buufsan, maadaama hore baaritaanka baraha hubinta uu inta badan ku koobnaa gaadiidka rayidka ah oo safaf dhaadheer ku gala isgoysyada Muqdisho.

Weerarkii shalay ayaa daaha ka qaaday daldaloolo amni oo u baahan in si degdeg ah wax looga qabto, gaar ahaan ilaalinta gaadiidka iyo hubka ciidamada ee maraya gudaha magaalada Muqdisho, si looga hortago in argagixisadu u adeegsadaan falal amni-darro.

Xukuumadda ayaa dhankeeda sheegtay in weerarkii Sabtidii dhacay uu ahaa mid ay kooxda Al-Shabaab ugu jawaabeysay guulihii ciidamadu ka gaareen gobollada koonfureed, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa saaxiibada ah shalay ka xoreeyeen deegaannada Awdheegle, Raqayle, Shaangarre iyo Malabo.

Dowladdu waxay tilmaamtay in weerarkaasi uu daaha ka qaaday daldaloolo amni oo u baahan in si degdeg ah wax looga qabto, gaar ahaan ilaalinta gaadiidka iyo hubka ciidamada ee maraya gudaha magaalada Muqdisho, si looga hortago in argagixisadu u adeegsadaan falal amni-darro.

Xukuumadda ayaa dhankeeda sheegtay in weerarkii Sabtidii dhacay uu ahaa mid ay kooxda Al-Shabaab ugu jawaabeysay guulihii ciidamadu ka gaareen gobollada koonfureed, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa saaxiibada ah shalay ka xoreeyeen deegaannada Awdheegle, Raqayle, Shaangarre iyo Malabo.

- Advertisement -

Read more

Local News