24.9 C
Mogadishu
Sunday, October 5, 2025

Mucaaradka oo si yaab leh uga hadlay safarka Xasan ee Kismaayo iyo qorshahiisa

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii u horreysay ka hadlay safarka uu Madaxweynaha Soomaaliya maanta ku tegay magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland.

Mucaaradka ayaa socdaalka Kismaayo ku tilmaamay mid si xooggan u caddaynayaa fashilka iyo dhammaadka taaktikadii ku danaysiga iyo kumeel gaarnimada ee madaxweynaha, sida uu sheegay Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Madaxweynaha aysan ka aheyn in uu nin dawladeed oo dan qaran u tanaasulay yahay, balse ay tahay xeeladaysi ay baahidu ku qasabtay.

“Maaddaama uu faro maran ka joogo saaxadda ballaaran ee siyaasadda, waqtigiisiina gabaabsi yahay, kana cabsi qabo in uu wajaho cawaaqibta habdhaqankiisii iyo go’aannadiisii aan ka fiirsiga lahayn, maanta Madaxweynaha khiyaaraad badan ma laha. Waa tallaabada nin ay sandulle ku noqotay in uu siyaasadihiisa wax ka beddelo si uu u helo muddo kororsi,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan oo uu cinwaan uga dhigay: Markabkii heehaabayey ee marsada Kismaayo ku xirtay.

Waxaa laga yabaa in dad badani ku jahwareersan yihiin safarka Madaxweynah ee Kismaayo iyo sidoo kale natiijada ka dhalan karta. Balse layaab kugu noqon mayso haddii aad seddaxdii sano iyo barkii tagtay si dhow ula socotay sooyaalkii siyaasadeed ee Madaxweyne Xasan Sheekh.

Kala qaybi oo u tali

Madaxweyne Xasan markii uu xilka ku soo laabtay wuxuu dhinac iska dhigay hawshii waynayd ee aragtida, istiraatiijiyada, qorshaha iyo dhabar-adayga dawlad-dhiska u baahnayd, wuxuuna ka doorbiday taaktiko ku dhisan kala qaybi oo u tali, taas oo uu kula dhaqmay saaxiib, mucaarad, mid la jaal ah iyo mid ka fogb intaba, Wuxuu kaloo go’aansaday in aan la saadaalin karin waxa ka suurooba, si aysanba u dhicin qof kalsooni ka haysta oo isku hallayn kara.

Waxaa intaa u dheeraa in hawl kasta, heerka ay doonto ha noqotee, uu isagu halkeeda ugu hooseeya maamulo.

Wuxuu iska dhaadhiciyey in sidaasi ay tahay furaha ugu sahlan ee uu talada ku haysan karo. Waxaa laga yaabaa in ay muddo u shaqaysay, waase hubaal ah in aysan noqon karin istiraatiijiyad waarta.

Maadaama aysan jirin cid Madaxweynaha saadaalin karta tallaabadiisa labaad, waxaa ka dhalatay in uusan jirin qof isku hallayn kara, ama saaxibtinimo iyo isbahaysi taabbagal ah la geli karta, gudo iyo debad, Soomaali iyo Shisheeye intaba.

Intii uu is lahaa dadka ka caqli badi, maalintaana ku mood, ayuu dhaawacay kalsoonidii isaga iyo dawladda Soomaaliyeedba lagu qabay.

Hantida ugu muhiimsan ee hoggaamiye uu helaa waa kalsooni iyo aaminaad. Madaxweyne XSM waxa raasamaalkan muddada dheer hayn karey uu ku doorsaday dheef maalinle ah. Kalsoonidii lagu aamini lahaa waxa uu dilay markii uu si kasta u muujiyay in eraygiisuba uu le’eg yahay wixii hadba markaas ku soo dhaca, iyo danta markaas u muuqata.

Hawo Shakhsi ah

Awoodda dawladeed waxa lagu dhisaa hay’ado xooggan oo aan la shakhsiyadaynin. Madaxweyne XSM mabda’aas wuu xooray, oo dawladdiiba waxa uu u qaatay in ay tahay badeecad uu qof ahaan u leeyahay ee aanay ahayn dan dawladnimada loogu adeegayo.

Jagooyinkii muhiimka ahaa ee siyaasadda, hay’adaha ammaanka, maaliyadda, iyo diblomaasiyadda loo ma eego mutaysi, ee waxa la isugu abaalgudaa hadba sida isaga daacadda loogu yahay.

Tani ma aha dhaqan qof dawladimo doon ah oo dhisaya hay’ado dawladeed oo tabargal ah, mana aha kelitaliye fiiro dheer oo sii dhisanaya mishiin siyaasadeed oo cimrigiisa siyaasadeed raajiya.

Xil iyo xoolo bixintiisu ku ma salaysna falsafad is haysata, oo u adeegaysa himilo weyn iyo qorshe cad oo dawladnimada hanaqaad ka dhigi kara midna.

Hannaankani waxa uu shabbahaa hantiile batrooni ah oo xoolihiisa ku bixiya qofkii amaana ama u rucleeya, marka ay hantidu ka dhammaatana laga kala dareero, kolkaana uu ku waabariisto in awooddiisuba ay gunta ka haawanaysay jidmarna ahayd.

Haddii hawo shakhsi ah lagu socon, aaway xeer ilaalintii danbiga ku soo oogtay Axmad-Madoobe, aawayse Maxkamaddii waaranka u jartay, aaway go’aannadii Golaha Xukuumadda ka soo baxay ee argagexiso la shaqaysi ku eedaysay, aaway kumanaankii wiil ee Raskambooni lagu halligay? Aaway, aaway?

Qab masaajayn

Guuldarraysigan istiraatajiyadeed waxa ku lammaan dhinac shakhsiyadeed oo walaac leh. Waxa ay u muuqataaba in waxan Madaxweynaha ka dhigaya lamafilaanku aanu ahayn xisaab ka xumaatay e, uu yahay gedgeddoon caaddifadeed iyo hadba sida uu dareekiisa ama dooqiisu yahay. Dawladnimadii Soomaaliyeed waxay hoos joogtaa dareenka caaddifadeed iyo falcelinta qof kaligii ah.

Tani waxay keentay in dadka aadka ugu dhow Madaxweynaha ay siiyaan warbixino xaqiiqada ka fog, huwiyaanna amaan sii quudinaysa sawirka wayn ee uu naftiisa ka haysto. Iska-badbadashadaas iyo qab masaajayntu waxay ka dabooshay waayaha qallafsan iyo xaqiiqooyinka jira.

Dabadeed halkaa waxa ka dhashay saaxad siyaasadeed oo nacab iyo nasteex aan la kala saari karin, oo kartileyda iyo kartilaawuhu isku mid yihiin. Go’aannada lagu ma saleeyo danta qaranka, ee waxa lagu beegaa rabitaanka iyo hawada Madaxweynaha ee maalintaa.

Safarka Kismaayo

Socdaalka Kismaayo wuxuu si xooggan u caddaynayaa fashilka iyo dhammaadka taaktikadii ku danaysiga iyo kumeel gaarnimadka. Madaxweynaha kama ah in uu nin dawladeed oo dan qaran u tanaasulay yahay, ee waa xeeladaysi ay baahidu ku qasabtay.

Maaddaama uu faro maran ka joogo saaxadda ballaaran ee siyaasadda, waqtigiisiina gabaabsi yahay, kana cabsi qabo in uu wajaho cawaaqibta habdhaqankiisii iyo go’aannadiisii aan ka fiirsiga lahayn, maanta Madaxweynaha khiyaaraad badan ma laha. Waa tallaabada nin ay sandulle ku noqotay in uu siyaasadihiisa wax ka beddelo si uu u helo muddo kororsi.

Ma kula tahay in ay jirto cid aaminaysa nin mawqifyadiisu ay habeendhax yihiin? Cidda ay maanta is hayaan ay berri shuraakoobayaan, kuwa maanta la joogana ay kala tegi karaan?

Way caddahay in uusan jirin isbeddel ku yimid Madaxweynaha, iyada oo danta qaranka la xeerinayo darteed, ee waxa ay marag u tahay in khilaafkii Jubbaland aanu marna ahayn mid hay’adeed ee uu ahaa mid shakhsiyadeed.

Dabin uu isagu isu qoolay

Madaxweyne Xasan taaktikooyinkii kala qaybi ee u tali, in la fili karin ama ficilkiisa la saadaalin karin, daacadnimada shakhsiga ah, cabsida iyo badroonnimada uu la-shaqayntiisa shardiga uga dhigi jiray, waa tan halka uu taagan yahay dhigtay. Isaguna marba marka ka danbeeya wuu sii liicayaa, maaddaama aanu dhisin hay’ado dawladeed oo waara, oo aanu yeelan saaxiib daacad u ah iyo isbahaysiyo dhab ah.

Doonnidii heehaabanaysay ee jahadu ka habawday haatan waxay ku soo xiratay Kismaayo. Waxaase is wayddiin mudan: ilaa goorma, ujeeddaduse waa maxay? Marba haddii aanay jirin istiraatajiyad fadhida oo ku dhisan ballanqaadyo laga dhabaynayo iyo wadashaqayn hay’adeed, safarkani wuxuun buu noqonayaa mid ka mid ah ficilladii lamafilaannimada.

Waa laga yaabaa in cinwaannada wararka ee maalintaa uu galo, balse dib u ma dhisayso kalsoonidii sannadaha la soo burburinayey. Waa xeeladaysi looga dan leeyahay samatabax siyaasadeed, ee ma aha seesdhigga dawladnimo xasilloon oo Soomaaliya ay aadka ugu baahan tahay.

Kismaayo ka dib siyaasada dalka waxay qaadanaysaa itijaaah cusub, waxaaase doqon ah cidii maanta ka dib eed ama godob u gasha Xasan Sheekh.

- Advertisement -

Read more

Local News