Muqdisho (Casimada Online) – War kooban oo kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa looga hadlay kulamadii Kismaayo ku dhex-maray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Axmed Madoobe, oo maanta lagu soo gabagabeeyay gudaha magaaladaasi.
Qoraalka Villa Soomaaliya oo laga ilaaliyay magaca Axmed Madoobe ayaa waxaa lagu sheegay in wada-hadalladii dhacay horumar laga sameeyay, isla markaana lagu ballamay fadhiyo kale, si loo sii wado dadaallada xalka loogu raadinayo khilaafka labada dhinac.
“Wadahadalladii soo socday waxaa laga sameeyay horumar, iyada oo lagu ballamay wadatashiyadu sii socdaan, dibna la iskuugu soo noqdo si loo sii ambaqaado geeddi u socodka wadahadalka” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay Villa Soomaaliya.
Madaxtooyadu ma shaacin hal qodob oo la’isku raacay, marka laga tego in ay sheegtay in horumar laga sameeyay wada-hadalladii shalay iyo maanta, laakiin waxaa xusid mudan in labada dhinac uu mid kasta ku adkeystay mowqofkiisa, taas oo keentay in la’isku mari waayay kulamadii qabsoomay.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhanka kale u mahadcelisay Jubbaland iyo shacabkeeda, maadaama ay si Soomaalinimo ah usoo dhaweeyeen Madaxweynaha iyo wafdigiisa.
Dhankeeda Jubbaland ayaa qoraal lamid ah midka Villa Soomaaliya soo saartay, kaas oo laga ilaaliyay magaca Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana warsaxaafadeedka lagu sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay in khilaafka lagu dhameeyo wada-hadal.
“Dowladda Jubaland mar walba waxay caddeynaysaa inay ka go’an tahay in kala aragti duwanaanta lagu xaliyo wada hadal iyo in loo midoobo ajandayaasha waaweyn ee dalkeenna u yaalla, iyadoo lagu heshiiyay in wada hadalladu sii socdaan isla markaana dib loogu kulmo fadhiyo kale si xal waara loo gaaro” ayaa lagu yiri qoraalka.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii ay socdeen wada-hadallada ku adkeystay in Axmed Madoobe uu ka laabto doorashadii Jubbaland, isla markaana uu aqbalo hirgelinta doorashada qof iyo cod, iyo inuu dib ugu soo biiro Golaha Wadatashiga Qaran.
Hoggaamiyaha Jubbaland ayaa isaguna ku gows adeegay in Dowladda Federaalka ay marka hore aqoonsato doorashadii maamulkaasi qabtay, ka hor inta aan laga hadlin qodobada kale ee muranka dhalinaya.
Xogaha ayaa intaasi kusii daraya in wafdigii dhex-dhexaadinta ee ka socday Kenya, ay iyaguna ka ambabaxeen Kismaayo, kuna laabteen magaalada caasimada ah ee Nairobi, maadaama aan lagu guuleysan dadaalladii indhowaanahan soo socday, si xal loo gaaro.
Safarka Xasan Sheekh ee Kismaayo ayaa yimid, xilli todobaadkii hore Axmed Madoobe uu Nairobi kula shiray dhigiisa Puntland iyo xubno kamid ah Madasha Samatabixinta, iyaga oo dhisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ugu tala-galeen waqtiga kala guurka ee dalka, taas oo sii adkayn karta wada-hadallada uu hadda la leeyahay Dowladda Federaalka.
Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa haatan dadaal ugu jira inuu la kulmo madaxda dowlad-goboleedyada ka hor dhammaadka muddo-xileedkiisa, xilli uu wajahayo mucaaradad xooggan oo ka imaanaysa gudaha caasimadda iyo maamulada qaarkood.