Garoowe (Caasimada Online) – Golaha Caddaaladda iyo Dimoqraadiyadda Puntland ayaa soo saaray war-saxaafadeed rasmi ah oo ay kaga hadlayaan heshiiskii Axadda lagu kala saxiixday magaalada Nairobi, kaas oo dhexmaray maamulada Puntland iyo Somaliland.
Qoraalka kasoo baxay golaha ayaa lagu sheegay in heshiiskaasi uu yahay mid si toos ah u khilaafaya mabaadi’da iyo himilooyinkii lagu aas-aasay maamulka Puntland, isla markaana uu dhaawacayo midnimada dhulka iyo dadka Soomaaliyeed.
Goluhu wuxuu ku tilmaamay heshiiska mid si cad uga hor imaanaya himilada Puntland, gaar ahaan qodobada Dastuurka maamulka ee qeexaya ilaalinta midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
War-saxaafadeedka ayaa si gaar ah u xusay in heshiiska lagu sheegay Puntland ay “soo dhoweynayso Somaliland,” taas oo ay sheegeen inay tahay hadal aan waafaqsanayn mabda’a aasaasiga ah ee lagu dhisay maamulka Puntland.
Sidoo kale, goluhu wuxuu sheegay in heshiiskaasi uu hoos u dhigayo maqaamka dowladnimo ee Puntland, maadaama magaca rasmiga ah ee “Dowladda Puntland” lagu beddelay “Puntland” oo keliya. Tallaabadan, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, waa mid dhaawaceysa sumcadda iyo madax-bannaanida maamulka, islamarkaana aan marnaba la aqbali karin.
War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in heshiiska lagu sheegay inuu ku saabsan yahay iskaashi dhinacyada amniga iyo siyaasadda, gaar ahaan la dagaallanka argagixisada, balse uu yahay mid aan sharciyad rasmi ah ku fadhiyin, maadaama uusan helin oggolaansho ka yimid hay’adaha dastuuriga ah ee Puntland.
Golaha ayaa ku adkeystay in arrimaha noocan oo kale ah ay u baahan yihiin wada-tashi ballaaran, oo ay si buuxda uga qeyb qaataan qaybaha kala duwan ee bulshada.
Dhanka kale, siyaasiyiin caan ah oo kasoo jeeda Puntland iyo xubno ka tirsan maamulka cusub ee Waqooyi Bari ayaa si adag uga falceliyay heshiiskan, iyagoo ku tilmaamay gebi ahaan gef siyaasadeed iyo sharciyeed.
Waxay sheegeen in aysan jirin xuduud rasmi ah ama xiriir dowladeed oo ka dhexeeya labada dhinac, ayna tahay arrin dhaawaceysa midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.