Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Boqortooyada Sweden, Pål Jonson iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Waxaa garoonka kusoo dhaweeyay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Difaaca Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka, Janaraal Maaday Nuurey Sheekh Ufuroow iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.
Wasiir Jonson ayaa inta uu joogo Muqdisho wuxuu la kulmi doona Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi iyo mas’uuliyiin kale.
Kulamadaasi ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka difaaca iyo amniga, sida ay wararku tilmaamayaan.
Sidoo kale, waxaa la filayaa in labada wasiir ay kala saxiixdaan heshiisyo cusub oo la xiriira wada-shaqeynta difaaca, si loo sii adkeeyo xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sweden.
Soomaaliya iyo Sweden ayaa muddooyinkii dambe xoojinayay iskaashiga dhanka amniga ee labada dal, iyadoo la filayo in dowladda Sweden ay kordhiso tababarada iyo taageeradda ay u fidiso ciidanka Soomaaliyeed, oo haatan dib u dhis iyo tayeyn lagu wado, kuna jira dagaal ka dhan ah kooxaha argagixisada.
Sweden oo ku taalla waqooyiga qaaradda Yurub, waa dal ka tirsan gobolka Scandinavia ayaa 7-dii Maarso 2024 si rasmi ah uga mid noqday Gaashaanbuurta NATO, kaddib markii uu oggolaaday Turkigu oo hore u diidanaa xubinnimadiisa.