28.4 C
Mogadishu
Friday, January 2, 2026

Daawo: Shariif oo diiday qorshaha DF soona saaray hanjabaad culus

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo caawa khudbad ka jeediyay kulan uu soo qaban qaabiyay xisbigiisa Himilo Qaran ayaa diiday qorshaha hub ka dhigista dowladda, wuxuuna soo saaray hanjabaad culus.

Ugu horreyn Shariifka ayaa u jawaabay mas’uuliyiinta xilalka haya ee inta badan dura xubnaha mucaaradka, wuxuuga ugu goodiyay inay is arki doonaan oo la’is baran doono.

“Kuwa qabiilka lagu abaabulay ee beenta loo sheegay qabiil qaran waa ku dumaa ee kuma dhismo, taariikh haddii ay noqotana waa is naqaanaa inta aanan caloosha soo qufin hala aamuso, haddii la aamusi waayo qof walba waxa uu yahay ayaan sheegeynaa” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray “”Kuwa xilka lagu siiyay inay nasoo caayaan meesha ay gali lahaayeen ayaa leyska rabaa, howsha kaftan waa soo dhaaftay aniga iyo Xasan waan is naqaanaa”.

Sheekh Shariif oo hadalkiisa sii wata ayaa si cad uga yimid qorshaha dowladda ee ku aadan hub ka dhigista mucaaradka, wuxuuna carrabka ku dhuftay inuu u arko in si gaar ah loo beegsanayo, isaga oo tusaale usoo qaatay dagaalkii saldhigga degmada Warta Nabadda.

“Hub ka dhis ma aqbaleyno waxaana u aragnaa wado nagula baneesanayo lana rabo in ay na dilaan ragii daraad na xabadeeyay iyo Al-Shabaab” ayuu mar kale yiri Sheekh Shariif.

Dhakiisa, Ra’iisul wasaarihii ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo madasha ka hadlay ayaa xoojiyay qabsoomidda dibadbaxa ay mucaaradka Khamiista ku qaban doonaan magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in balantu ay tahay in lasoo buux dhaafiyo dibadbaxa.

“Madasha Samatabixinta waxay ku dhawaaqday mucaarad ahaan banaanbax nabadeed oo dastuuri ah oo cidna aan lagu dhibaateyneen intaas diyaar ma u tihiin?. Annagu waa idin garab taaganahay, waana innoo maalinta Khamiista” ayuu isna yiri Xasan Cali Khayre.

Mucaaradka iyo dowladda ayaa si weyn isku haayo, waxaana khilaafka uu ka dhashay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka dalka.

 

- Advertisement -

Read more

Local News