26.3 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

TRUMP oo Soomaaliya la barbar dhigay xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa Talaadadii jeediyay hadallo aan isku xirnayn oo dad badan ka yaabiyey, isagoo mar kale Xisbiga Dimuqraadiga la barbar dhigay dalka Soomaaliya.

Trump ayaa hadalkan ku sheegay shir jaraa’id oo uu si wadajir ah ula qabtay Ra’iisul Wasaaraha Canada, Mark Carney, isagoo u muuqday mid ku faanaya in uusan aqoon magacyada xildhibaannada Dimoqraadiga ee doonaya wada-hadal ku saabsan sidii loo soo afjari lahaa xirnaanshaha dowladda.

“Wicitaanno ayaa iga soo gaaraya Dimoqraadiyiin doonaya inay ila kulmaan. Weligay hore uma maqal magacyadooda. Waxayna sheeganayaan inay yihiin hoggaamiyeyaal — Dimoqraadiyiintu hoggaan ma leh. Waxay i xusuusinayaan Soomaaliya,” ayuu yiri Trump.

Hadalkan oo si muuqata u xambaarsanaa cunsuriyad iyo jees-jees siyaasadeed, ayuu Trump sii waday isagoo aan lahayn isku xirka hadal siyaasadeed oo rasmi ah.

“Waxaan la kulmay madaxweynaha Soomaaliya, waxaanan u sheegay dhibaatada uu dalkiisu leeyahay. Waxaan ku iri, ‘Waxaad leedihiin qof Soomaali ah oo noo sheegaya sida aan dalka u maamulno, kana timid Soomaaliya.’ Waxaan weydiiyay, ‘Ma dooneysaa inaad dib u celiso?’ Wuxuu igu yiri, ‘Maya, ma doonayo!’” ayuu Trump si caraysan u yiri, isagoo hadalkiisa sii watay si aan nidaam lahayn.

Trump wuxuu ula jeeday Xildhibaan Ilhan Omar oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga, kana soo jeeda Minnesota, taas oo horey uga badbaaday weerarro iyo hanjabaado ay u jeediyeen siyaasiyiin Jamhuuri ah oo cunsuriyiin ah.

Madaxweynaha oo caan ku ah hadallo soo noqnoqda iyo jees-jees, ayaa ku celinayay kaftan uu horraantii bishan ka sheegay Ilhaan, isagoo ku andacoonaya inuu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud weydiiyay in Ilhan Omar “dib loogu celin karo” dalkii ay asal ahaan ka soo jeeday.

Ku adkeysiga Trump ee ah in uusan aqoon cidda ay yihiin hoggaamiyeyaasha Dimoqraadiga, isla markaana aysan lahayn hoggaan dhab ah, ayaa muujinaysa sida aanu u daacad uga ahayn dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro xirnaanshaha dowladda.

Afhayeenka Aqalka Cad ayaa Isniintii sheegay in aysan jirin wax xog ah oo muujinaysa in Trump uu si toos ah ula hadlay Dimoqraadiyiinta, balse uu arrimahaas u diray wakiillo ka tirsan Aqalka Wakiillada iyo Senate-ka oo u shaqeeya isaga.

Trump horey ayuu u la kulmay hoggaamiyeyaasha sare ee Dimoqraadiga, sida Hakeem Jeffries oo ah Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Yar ee Aqalka Wakiillada iyo Chuck Schumer oo ah Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Yar ee Senate-ka — kaas oo Trump marar badan uu ugu yeeray “Falastiini,” hadal loo arkay mid aflagaaddo cunsuriyad ah.

Si kastaba, kulankaas ayaa madaxweynuhu u adeegsaday fursad sawir oo uu ku faano baraha bulshada ka hor inta uusan eedda xirnaanshaha dusha ka saarin Dimoqraadiyiinta, isla markaana uu sii watay qorshihiisa lagu shaqo ka eryayo shaqaale badan iyo in si sharci-darro ah loo joojiyo mushaharkii shaqaalaha la fasaxay.

- Advertisement -

Read more

Local News