25.8 C
Mogadishu
Friday, January 2, 2026

Wasiir Fiqi oo si kulul ugu jawaabay Sheekh Shariif

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo qoraal soo saaray ayaa si kulul ugu jawaabay xubnaha mucaaradka, gaar ahaan Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed oo xalay khudbad ku weeraray madaxda dowladda.

Shariif ayaa sidoo kale jeediyay hanjabaad culus, isaga oo farriin kama dambeys ah u diray madaxda xilka haysa ee mar kasta u jawaaba siyaasiyiinta dowladda kasoo horjeedo, isaga oo ugu goodiyay inay is arki doonaan oo ay is baran doonaan.

“Kuwa qabiilka lagu abaabulay ee beenta loo sheegay qabiil qaran waa ku dumaa ee kuma dhismo, taariikh haddii ay noqotana waa is naqaanaa inta aanan caloosha soo qufin hala aamuso, haddii la aamusi waayo qof walba waxa uu yahay ayaan sheegeynaa” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray “Kuwa xilka lagu siiyay inay nasoo caayaan meesha ay gali lahaayeen ayaa leyska rabaa, howsha kaftan waa soo dhaaftay aniga iyo Xasan waan is naqaanaa”.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo sheegay in xubnaha Madasha Samatabixita ay ka dhammaadeen xikmadihii, kadibna ay bilaabeen inay duruufta uga faa’iideystaan dadka danta yar, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in mucaaradka hadda uusan lahayn ajende siyaasadeed, ayna rabaan in dalka ay geliyaan fowdo horleh iyo qalalaase.

“Xubnihii Madasha ku haray xikmaddii waa ka sii yaraanaysaa, maalin walba umadda horteeda ayay ku ceeboobayaan. Oday Waayeel kaarkiisa in ay xoqdaan ayay isku dayeen waxay sababtay saldhig booliis in ay weeararaan, haddana maamo weyn ayay keeneen, waxay dadka uga faa’idaysanayaan duruufta, umaddana kama xishoon, waxay la’yihiin ajende siyaasadeed oo ay umadda la horyimaadaan”. ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxaan wadaynaa in aan kashifna ajende la’aantooda, siyaasad xumadooda iyo in aysan danta umadda ka shaqaynayn!”.

Si kataba, Mucaaradka iyo dowladda ayaa si weyn isku haayo, waxaana khilaafkooda uu ka dhashay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News