28.5 C
Mogadishu
Thursday, January 1, 2026

Puntland oo xukun adag ku ridday nin kufsi u gaystay gabdho walaalo ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta go’aan culus kasoo saartay kiiskii kufsiga wadareedka ahaa ee loo gaystay labadii gabdhood ee walaalaha ahaa, kaas oo 11-kii May ee sanadkan 2025 ka dhacay xaafadda Booray ee magaalada Garoowe ee xarunta maamul-goboleedka Puntland.

Kiiska ayaa waxaa loo soo qabtay Sharmaarke Xuseen Yuusuf oo 31 sano jir ah, kaas oo ugu dambeyn lagu helay kufsiga labada gabdhood oo aan qaangaarin, waxaana lagu riday xukun adag.

Maxkamadda ayaa Sharmaarke ku xukuntay 25 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan 25 kun oo dollar, sida uu ku dhawaaqay Garsooraha Maxkamadda Gobolka Nugaal.

Ehellada labada gabdhood iyo in badan oo kamid ah dadka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay xukunkan, ugana mahadceliyay Puntland cadaaladda ay sameysay.

Kiiskan oo dooddiisu ay soo socotay muddo dheer ayaa dhaliyay hadal-heyn xooggan, iyadoona Puntland ay horay u cambaareysay dhacdada, kadibna waxay soo qabatay eedeysanaha oo haatan xukun xabsi dheer lagu riday.

Labada gabdhood ee la dhibaateeyay oo aad u yar yar ayaa kasoo jeedo qoysas danyar ah oo deggan magaalada Garoowe, halkaas oo ay dhibaatadu ku qabsatay.

“Dowladda Puntland waxay si adag u cambaareyneysaa falalka arxan darrada ah ee lagu beegsado carruurta iyo dadka nugul, waxayna caddeyneysaa in eedaysanayaashu ay wajihi doonaan caddaalada iyadoo loo marayo nidaamka garsoorka ee dalka” ayaa horay loogu yiri bayaan kasoo baxay dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland

Horay deegaannada maamulka Puntland, waxaa sidaan oo kale uga dhacay falal kufsi iyo dil isugu jiro, waxaana qaarkood go’aanno kasoo saaray maxkamadaha maamulkaasi, iyada oo weli ay muuqato in dhibaatada iyo tacaddiyada loo gaysanayo dumarka ay kasii socoto Puntland.

- Advertisement -

Read more

Local News