Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa la daala dhacaya dhaqaale la’aan baahsan, iyadoo haatan ay ka dhex bilaabatay wasaaradihii maamulka oo isku haysta dakhliga.
Wasaaradda Kalluumeysiga ee maamulka Puntland ayaa maanta shaaca ka qaadday in shaqadeedii badda iyo kalluumeysiga ay ku haysato Wasaaradda Maaliyadda.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga, Maxamed Balaak, oo eedeyntan jeediyay, ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyaddu ay bixineyso “shatiyo sharci-darro ah.”
Agaasime Balaak ayaa xusay in arrintani hor istaagtay dakhliga dowladda soo galayay, isla markaana ay wajahayaan dakhli-yari.
Kadib eedeynta Wasaaradda Kalluumeysiga, mas’uuliyiinta Wasaaradda Dekedaha oo difaacaya Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in mas’uuliyadda dakhliga guud ee dowladda ay leedahay Wasaaradda Maaliyadda Puntland.
Agaasimaha Guud ee Dekedaha Puntland, Cabdikajiid Jaafaan, ayaa Maaliyadda ku sifeeyay “sanduuqa dowladda,” isla markaana ay xaq u leedahay inay qaaddo lacagaha dakhli ee ay ka qeylisay Wasaaradda Kalluumeysiga, sida uu hadalka u dhigay.
Khilaafka labadan wasaaradood ee haatan soo ifbaxay ayaa imanaya xilli ay labada wasaaradoodba dardar-geliyeen shaqooyinkooda dakhli-raadinta, taas oo keentay in iska hor imaadyo sababeen dhimasho, dhaawac iyo jaahwareer uu ka dhaco xeebaha bari ee Puntland.
Sida ay inoo sheegeen khubaro sharci, Wasaaradda Kalluumeysigu waxay guud ahaan ka mas’uul tahay badda iyo kalluumeysigeeda, halka Maaliyaddu ay leedahay howlaha dakhliga dowladda.
Khilaafka soo kala dhex galay wasaaradaha Maaliyadda iyo Kalluumeysiga ayaa lagu tilmaamay mid saameyn xooggan ku yeelanaya habsami u socodka howlaha kalluumeysiga maamulka.
Sidoo kale, waxaa laga muujinaya walaac, maadaama wasaaradda kalluumeysiga ka hortimida shatiyada ay bixisay wasaaradda maaliyadda, taas oo horseedi karta in la hakiyo shatiyada ganacsiyo ka hawl-gala xeebaha Puntland.
Si kastaba, isqab-qabsiyaasha dakhliga iyo mashaariicda ayaa badanaa ka dhaca hay’adaha maamul ee Soomaalida, iyadoo haatan uu maamulka Puntland wajahayo dhaqaale la’aan baahsan.
Tan iyo dib-u-doorashadii Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, maamulka ayaa la daala dhacayay dhaqaale-xumo, iyadoo shaqaalaha dowladda iyo ciidamada kala duwan ee maamulka ay ka cawdaan mushaar la’aan baahsan.

