25.2 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Soomaaliya oo soo xuleysa xubnaha ku matalaya….

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo wareegto soo saaray ayaa magacaabay guddiga soo xulista xubnahaha Soomaaliya ku metalaya baarlamaanka bulshada Bariga Afrika oo dhowaan ay ku biirtay Soomaaliya.

Warqad ay si wadajir ah usoo saareen guddoomiyeyaasha labada Aqal Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi ayaa waxaa lagu magacaabay guddi laga soo dhex xulay labada Gole oo loo xilsaaray soo xulista xubnaha u tartamaya xubinnimada Baarlamaanka EAC.

Guddiggan oo ka kooban 5 xubnood, ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay Xildhibaan Maxamed Cabdullahi Xasan (Nuux), halka ku xigeen ay tahay Senator Zamzam Ibraahim Cali.

Sidoo kale waxaa guddiga xubno ka ah Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame Qowdhan, Senator Iftin Xasan Imaan (Baasto) iyo Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi.

“Xubnaha guddiga waxaa la farayaa inay si degdeg ah u howlgaan” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxay guddoonka sare ee labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Shaqada guddiga ayaa waxaa kamid noqon doono inay soo xulaan xubnaha u tartamayaasha xildhibaannada baarlamaanka urur goboleedka bulshada bariga Afrika, diyaarinta liiska musharrixiinta soo buuxiyay shuruudaha loo baahan yahay iyo inay liiska horgeeyaan Baarlamaanka, si uu uga guto waajibaadkiisa.

Tirada xubnaha baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika ee la soo doorto ayaa haatan kordheysa maadaama ay xubno ku yeelaneyso Soomaaliya oo dhowaan ku biirtay. Ka dib markii si rasmi ah loogu soo dhaweeyay Soomaaliya ururka Bariga Afrika ayaa waxaa tirada baarlamaanka Bariga Afrika ay noqon doontaa 82 xildhibaan.

Waxaa sidoo kale Soomaaliya laga filayaa in ay soo magacaabaan garsoore ka mid noqon doona xubnaha garsoorayaasha ee maxkamada caddaaladda Bbariga Afrika.

Soomaaliya oo ka mid noqoshadeeda Bariga Afrika ay madaxda ururka ay si rasmi ah u ansixiyeen bishii November ee sanadiii aanu soo dhaaafnay ayaa waxaa sidoo kale laga doonayaa in ay soo magacaabaan wasiirka hormarinta Bariga Afrika.

- Advertisement -

Read more

Local News