25.6 C
Mogadishu
Thursday, January 1, 2026

Muxuu yahay shirka wadatashiga qaran ee ka furmay Muqdisho? + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Soomaaliya oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) ayaa maanta furtay Wadatashi Qaran oo socon doona muddo laba maalmood ah.

Shirweynahan ayaa looga hadlayaa Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka ee Soomaaliya (2025-2030). Kulankan ayaa isugu keenay wakiillo ka kala socda wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda iyo sidoo kale shirkadaha isgaarsiinta.

Inta uu socdo shirkan waxaa dib u eegis iyo turxaan bixin lagu sameyn doonaa khariidadda dhijitaalka ah ee dalka oo lagu horumarinayo koboc loo dhan yahay, hal-abuurnimo iyo adeegyo casri ah.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mustafa Yaasiin Sheekh, oo ka hadlay furitaanka Wadatashiga ayaa sheegay in istaraatiijiyadda ay tahay calaamad muujinaysa tallaabo muhiim ah oo lagu gaarayo horumar dhijitaal oo waara.

Tan ayuu sheegay inay muujinayso sida dalkeennu uga go’an tahay dhismaha nidaam dhijitaal ah oo adkeysi leh oo loo dhan yahay.

Wuxuu sidoo kale xoojiyay muhiimadda iskaashi xooggan oo dhex-mara dowladda, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo bah-wadaagta horumarka si loo hirgeliyo loona sii wado waaritaankiisa.

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Soomaaliya, Maxamed Aadan Macalin Cali (Soomaali) ayaa tilmaamay in Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka ay noqon doonto hagaha guud ee mideynaya dhammaan hindisayaasha la xiriira ICT-da ee ka socda qaybaha kala duwan ee dalka.

Sidoo kale wuxuu xusay sida ay dowladda uga go’an tahay isku-duwidda siyaasadaha, maalgelinta kaabayaasha dhijitaalka ah iyo horumarinta awoodda shaqaalaha si loo dardar-geliyo adeeg bixinta iyo kobaca dhaqaalaha.

Inta lagu guda jiro labada maalmood ee wada-tashigu socdo, ka qayb-galayaashu waxay ka doodi doonaan aragtida dhijitaalka ee Soomaaliya, tiirarka istaraatiijiyadda iyo qorshaha hirgelinta.

Waxa kale oo xoogga lagu saari doonaa qaab-dhismeedka maamul, hababka maalgelinta iyo waafaqsanaanta istaraatiijiyadeed ee Ururka Midowga Afrika (AU) iyo Bulshada Bariga Afrika (EAC).

- Advertisement -

Read more

Local News