26 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

DF oo caawa howl-gal ku dishay horjooge Cali Axmed Guure

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Howl-gal aad loo qorsheeyay oo goordhow ka dhacay deegaanka Mubaax ee gobolka Hiiraan ayaa lagu dilay Horjooge Cali Axmed Guure oo loo yaqaanay (Cali Qoyane), sida ay shaacisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Horjoogahan ayey dowladdu sheegtay inuu kamid yahay madaxda sare ee kooxda, iyadoo ku tilmaamtay “dhiigyo cab” dhibaatooyin badan ka gaystay gobolka Hiiraan.

Dowladda ma faah-faahin nooca howl-galka dhacay caawa ee lagu dilay horjoogahan, balse xogo hordhac ah oo aan helayno ayaa sheegaya in duqeyn lagu dilay Cali Qoyane.

“Goordhow la soco faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan howl-galka iyo xogta horjoogaha Khawaarijka ahaa,” ayaa lagu yiri faafin deg-deg ah oo kasoo baxday Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Toddobaadkii hore ayey aheyd markii ciidanka NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay ku guuleysteen dilka horjoogayaal iyo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Howl-gal qorsheysan oo Talaadadii laga fuliyay deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa lagu dilay toddobo xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Shabaab.

Howl-galkaas ayaa sidoo kale waxaa lagu dhaawacay saddex xubnood oo kale kadib markii si toos ah loo bartilmaameedsaday goob ay isku aruursaneyeen Shabaabka la weeraray, sida ay sheegtay NISA.

Howl-galka ayaa la qaaday markii la helay xog sirdoon oo xaqiijisay in Shabaabka ay qorsheynayeen falal amniga lagu carqaladeynayo oo ay ka sameenayaan inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Balcad.

“Maleeshiyaad tiro ahaan gaarayay 40 xubnood ayaa lagu diyaarinayay goobta weerarka laga fuliyay, waxaana howlgalka lagu burburiyay teendhadii ay Khawaarijtu ku dhuumanayeen,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda NISA.

Howl-galkaas ayaa markaas ku idlaaday si guul ah, iyada oo ciidanka NISA ay si buuxda uga hortageen qorshihii Shabaabku ay ku doonayeen in ay ku fuliyaan falal argagixiso, sida ay sheegtay hay’addu.

- Advertisement -

Read more

Local News