26.3 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Sacuudiga iyo Imaaraadka oo ka walaacsan QATAR oo Mareykanka uu siiyey…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) — Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, iyo Baxrayn ayaa walaac xooggan ka muujiyay hindise uu Mareykanku hoggaaminayo oo ku saabsan arrimaha Gaza dagaalka kadib, kaasoo ay sheegeen in uu awood siinayo dalka ay gobolka ku xifaaltamaan ee Qatar, taasoo halis gelinaysa in qorshuhu uu hirgalo.

Ilo dublamaasiyadeed oo Sacuudiyaan ah ayaa ka digay in ballaarinta heshiisyada difaaca ee Mareykanka uu la leeyahay Doha iyo in door udub-dhexaad ah la siiyo ay sababi karto in dadaalka oo dhan uu burburo, ayna u saamaxdo Xamaas inay awoodda dib ula wareegto.

Ismaandhaafkan wuxuu muujinayaa kala qaybsanaan sii kordheysa oo u dhexeysa saaxiibbada Carabta ee muhiimka u ah Washington.

In kasta oo ay taageersan yihiin hadafka guud ee soo afjaridda dagaalka, haddana waxay dareemayaan in la iska fogeeyay sababo la xiriira waxa ay u arkaan tanaasulaad waaweyn oo loo sameeyay Qatar, oo taageerta ururka Ikhwaanul Muslimiinka. “Waa qalad in lagu tiirsanaado Qatar,” ayuu sarkaalkaas Sacuudiga ah u sheegay wargeyska Israel Hayom.

Aragtida dalalka Khaliijka ee Gaza waxay si weyn ugu dhowdahay tan Israel marka la eego shuruudaha muhiimka ah. Waxay taageersan yihiin in Xamaas si buuxda hubka looga dhigo, waxayna ku adkaysanayaan in Maamulka Falastiin uu soo laaban karo oo keliya marka la sameeyo dib-u-habayn ballaaran iyo hannaan xagjirnimada lagaga saarayo.

Wadamadan ayaa horeyba u waday isbeddello gudaha ah oo dhinacyada waxbarashada iyo warbaahinta ah si kor loogu qaado xasilloonida gobolka.

Sarkaalkaas ayaa ku andacooday in danaha Qatar ay si toos ah uga hor imanayaan ujeeddooyinkan. “Ka qaybgalka xad-dhaafka ah ee Qatar ee marxaladaha xiga ee qorshaha iyo dib-u-dhiska Gaza waxay sababi doontaa in qorshaha Trump uu burburo,” ayuu sarkaalku sheegay.

Wuxuu intaas ku daray in Qatar “ay wiiqi doonto dadaallada xagjirnimada lagula dagaallamayo, ayna isku dayi doonto inay xaqiijiso in Xamaas ay saaxadda ku sii jirto oo ay awoodda dib ugu soo laabato mustaqbal aan sidaa u fogeyn.”

Khilaafka ku saabsan taageerada Mareykanka ee sii kordheysa ee Qatar wuxuu sii cakirayaa xaaladaha kale ee gobolka, oo ay ku jirto suurtagalnimada heshiis ay ku caadiyeynayaan xiriirka Sacuudiga iyo Israel. Sarkaalka Sacuudiga ah ayaa xaqiijiyay in xiriir la dhex dhigo labada dhinac ay weli suurtagal tahay, balse aysan ahayn mid dhow.

“Waa waddo dheer oo u baahan in la arko heshiiska oo si buuxda loo fulinayo, oo ay ku jiraan ballanqaadyada Israel ee ku aaddan Maamulka Falastiin iyo wadahadallo dhab ah oo loo qaado xalka labada dal,” ayuu yiri sarkaalku.

Riyadh waxay damacsan tahay inay labada dhinacba la xisaabtanto. “Waxaan xaqiijin doonnaa in Maamulka Falastiin uu ka soo baxo waajibaadkiisa, laakiin Israel, iyadoo aan loo eegin isbahaysiga ka taliya, waa inay fulisaa wixii uu Netanyahu oggolaaday,” ayuu sarkaalku sheegay.

Tani waxay cadaadis saaraysaa dowladda Israel, iyadoo sarkaalku uu intaa ku daray, “Netanyahu, ama dowladda xigta, waxay ku qasbanaan doontaa inay go’aansato inay taageerayso tallaabooyin xagjirnimo ah sida dhul-goosashada, ama inay dhab ahaan u rabto xal dhab ah.”

Dhanka kale, saraakiisha Israel ayaa walaac ka muujinaya diyaar garowga ay ugu jiraan marxaladda xigta. Qaar badan ayaa aaminsan in Xamaas ay diidi doonto inay hubka dhigto, ka tanaasusho maamulka Gaza, ayna joojiso howlaha hubaysan.

Tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee Xamaas, oo ay ku jiraan dhoolatusyo ciidan iyo dilka dad lagu eedeeyay inay ahaayeen basaasiin, ayaa sii xoojinaya tuhunkaas.

- Advertisement -

Read more

Local News