Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo xalay kooxo hubeysan ay ka gaysteen gudaha degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu fuliyay Korneyl Cumar Cali Maxamuud (Macalin Cumar).
Marxuumka ayaa ahaa nin odey ah oo sidoo kale ahaa sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Xoogga dalka, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.
Laba nin oo ku hubeysan bistoolado, isla markaana la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab ayaa Macallin Cumar ku toogtay afaafka hore ee gurigiisa, xilli uu sii galayay, kadibna goobta ayay isaga baxsadeen ragga ka dambeeyay toogashadiisa.
Sarkaalka la dilay ayaa kasoo qayb-qaatay howlgallo xoreyn oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe, inkastoo haatan deegaannadaas ay dib u qabsadeen Al-Shabaab.
Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya ayaa goobta gaaray, waxaana ay sameeyeen baaritaanno kooban, balse ma jirto cid ay usoo qabteen dilka marxuumka.
Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dilka iyo howlgallada xigay ee ay sameeyeen ciidanka amniga.
Dilkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhawaan ay Al-Shabaab Muqdisho ka fuliyeen weerar toos ah oo is qarxin ku billowday, kaas oo ay ku beegsadeen xarunta baarista NISA ee Godka Jilacow, halkaas oo uu ka dhacay dagaal toos ah oo saacado badan qaatay.
Waxaa sidoo kale jirtay in shalay nolosha lagu qabtay rag ay Muqdisho usoo direen Al-Shabaab, xilli ay kasoo baxeen dhinaca degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Ujeedka raggaas ayaa ahaa inay weeraro iyo dilal qorsheysan ka fuliyaan gudaha caasimada, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya.
“Howlgalka Ciidanku sida xeeladeysan u fuliyeen ee lagu qabtay dhagarqabayaasha ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee isku dayaya inay carqaladeeyaan amniga iyo xasilloonida Dalka” ayaa lagu yiri qoraalka.
Al-Shabaab ayaa u muuqata in haatan ay xoogga soo saareyso gudaha caasimada oo bilihii lasoo dhaafay ka caaganeyd weerarada argagixisada, inkastoo tan iyo markii uu dhacay weerarkii Godka Jilacow, lasii xoojiyay amniga iyada oo lasii laba jibaaray howlgallada.

