Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ee Soomaaliya ayaa sheegay in habeen rag hubeysan oo ka tirsan milishiyooyinka qabaa’ilka ee loo yaqaan Macawisley ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab tuulada Mabaax oo u dhaxaysa magaalooyinka Moqokori iyo Aadan Yabaal ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo Cali Axmed Guure (Qoyane) ayaa hore maxkamadda Ciidamada ee Soomaaliya ugu xukuntay dil sannadkii 2019-kii, markaas oo lagu helay inuu ka dambeeyey qarax lagu dilay guddoomiye ku-xigeenkii hore ee degmada Maxaas, oo isla sanadkaas lagu khaarajiyey Maxaas.
Horjoogahan ayaa waxa kale oo lagu eedeeynayaa inuu ka dambeeyey dilka dad rayid ah oo lagu laayey gobolka Hiiraan bishii Sebteembar 2022-kii.
Haddaba, si aan wax badan uga ogaano sarkaal-kan la dilay iyo xadgudubyadii uu ka geystay gobolka Hiiraan, waxaan la xiriirnay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan, si uu faahfaahin uga bixiyo waxa lagu yaqaan sarkaalkan ka tirsanaa Al-Shabaab.
Waxa uu sheegay Cali Jeyte in “ninkaasi uu ka tirsanaa kuwa caadeystay dhiigga bani’aadamka ee arxan-laawayaasha ah.”
Cali Jeyte waxa uu sheegay in markii ay dagaalladu ka bilaabmeen degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, dagaal ay kula jireen Al-Shabaab, uu ninkaasi gaadiid u kala socday degmooyinka Beledweyne iyo Maxaas isku celiyey, isla markaana uu halkaas ku laayey dad ka badan labaatan qof, gaadiidkiina uu gubay.
Cali Jeyte waxa uu sheegay in Cali Axmed Guure (Qoyane) uu ahaa nin dadka masaafurka ah mar walba dhibaatooyin kula kici jiray.
Markii la weydiiyey Cali Jeyte sida lagu ogaaday inuu isagu ka dambeeyey dhacdadii 3-da Sebteembar 2023 ee dadka lagu laayey, waxa uu sheegay in isagoo doonaya inuu dadka deegaanka kala reebo oo uu kala jabiyo, si uu qaar culays u saaro oo kuwa kalena ay u cabsadaan, uu dadkii qaar sii daayey qaarna laayey. “Hal jifo ayey ahaayeen dadka la laayey,” ayuu yiri Cali Jeyte, oo intaas ku daray in ujeeddadiisu ay ahayd inuu kala qeybiyo bulshada oo uu xukumo.
Cali Axmed Guure (Qoyane) ayaa Al-Shabaab ka tirsanaa muddo ka badan 10 sano, sida uu sheegay Cali Jeyte.
Dilkii dadka rayidka ahaa ee ka dhacay inta u dhaxaysa Maxaas iyo Beledweyne, ee lagu eedeeyey inay Al-Shabaab ka dambeysay gaar ahaan Cali Axmed Guure (Qoyane), ayaa ahaa kii abuuray kacdoonkii dagaal ee markii ka dambe bilowday gobolka Hiiraan, kaas oo dhul badan looga saaray Al-Shabaab, inkasta oo markii dambe duullaan ay dib u soo qaadeen ay ku qabsadeen qaar ka mid ah deegaanadii hore loo xoreeyey.
Balse Cali Jeyte ayaa qaba in dagaalka iyo kacdoonku uu ka horreeyey dilkii dadka rayidka ah loogu geystay inta u dhaxaysa Maxaas iyo Beledweyne, laakinse ay bulshadu xanuun badan dareentay uuna mideeyey dadkii deegaanka. “Haddii ay markii hore ku kala raaceen,” ayuu yiri Cali Jeyte, “dagaalkaasi si dhab ah ayuu u bilowday bishii Agoosto ee sannadkii 2022-kii.”
Cali Jeyte, mar uu ka hadlayey dilka ninkan ka tirsanaa Al-Shabaab waxa uu uga dhigan yahay dadka deegaanka, waxa uu sheegay in dadka deegaanka ay uga dhigan tahay “neecaaw iyo caafimaad u soo hoyatay, cadow ka baxay.”
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan, kaas oo lagu dilay horjooge sare, Cali Qoyane.
Balse faahfaahin intaas ka dheer kama aysan bixin dowladda dilka sarkaalkaas.
Qoraal lagu daabacay bogga SNTV ee Facebook ayaa lagu sheegay in howlgalkaas, oo si guul ah ku dhammaaday, ay fuliyeen “geesiyayaasha difaaca dadka deegaanka ee Macawisley,” kuwaas oo taageero ka helaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Horjoogaha la dilay ayaa si toos ah loo bartilmaameedsaday xilli uu fadhiyey maqaayad shaah laga cabo oo ku taalla deegaanka Mabaax, waxaana laga soo furtay qori AK-47 ah iyo bistoolad uu watay.
Dadka deegaanka ayaa si weyn u soo dhaweeyey dilka sarkaalkan, oo ay sheegeen inuu gabood-falo waaweyn ka geystay gobolka Hiiraan muddadii uu ka tirsanaa Al-Shabaab.
Dadka deegaanka ee yaqaanna Cali Axmed Guure (Qoyane) ayaa sheegay in dhowr iyo tobankii sano ee ay Al-Shabaab jirtay uu qeyb ka ahaa.