24.2 C
Mogadishu
Tuesday, January 13, 2026

Itoobiya oo sheegtay in Xasan Sheekh uu taageeray doonisteeda badda

Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wakaaladda wararka ee Itoobiya oo faah-faahin dheeraad ah ka bixisay kulankii magaalada Addis Ababa ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Wakaaladda ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay taageertay doonista Itoobiya ee Badda Cas, iyadoo la dhowrayo madax-banaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Kulanka labada masuul oo horey usii deysay Villa Somalia, laguma sheegin arrintaan xasaasiga ah ee Itoobiya shaacisay, xilli ay labada dal meel adag isla gaareen kadib damaca guran ee Addis Ababa ku rabtay soo gaarista biyaha Soomaaliya.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal, iyadoo la dhiirri-gelinayo iskaashiga horumarineed ee ku salaysan daris-wanaagga iyo is-ixtiraamka, si waafaqsan danaha wadajirka ah ee labada dal, madaxbannaanida iyo midnimada dal kasta,” ayaa lagu yiri bayaan ay sii deysay Villa Somalia kadib kulanka labada masuul.

Madaxtooyadda ayaa sheegtay in Madaxweynaha uu soo bandhigay muhiimadda ay leedahay xasilloonida gobolka iyo mideynta dadaallada lagu cirib-tirayo argagixisada, iyadoo uu caddeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xaqiijinta iskaashiga heer gobol ee ku aaddan nabadda, daris-wanaagga iyo adkaynta xasilloonida.

Taageerada ay sheegtay wakaaladda wararka ee Itoobiya inuu Madaxweynaha u muujiyay damaca soo gaarista badda, ayaa waxaa ku lamaan “madax-banaanida iyo midnimada Soomaaliya”. Tan ayaa loo fasiri kara in Soomaaliya ay dooneyso in Itoobiya ay u fasaxdo isticmaalka mid kamid ah dekedaheeda, una madax-banaaneyso, iyadoo meesha laga saarayo “qaadasho” oo ah sida ay ku taameyso Addis Ababa.

Si kastaba, Dowladda Itoobiya ayaa marba marka ka dambeysay sii xoojineysay isku deyga ay ku dooneyso inay ku gaarto biyaha Badda Cas, waxayna dadaal badan gelisay sidii ay u dhisi laheyd ciidamo bad, oo ay leedahay.

Gaarista Badda Cas ayaa ah riyo ay ku taamayaan Itoobiyaanka, iyagoo dhowr jeer ay hore u muujiyay xukuumadda Abiy haddii nabad iyo is faham lagu gaari waayo, ay adeegsan doonaan awoodda aan laga maarmin.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa si ganbasho laheyn u sheegay in ay tahay “arrin waqti uun ka xigo” inta aysan Itoobiya dib ula wareegin gacan ku haynta dekedda Casab ee Eritrea, isagoo sii wadaya dadaalka adag ee maamulkiisu ugu jiro sidii uu u heli lahaa marin badeed.

Abiy ayaa dhawaan hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay warbaahinta dowladda ee EBC, ka hor xarig-ka-jarka biyo-xidheenka Itoobiya ee GERD, isagoo ku nuux-nuuxsaday in “la gaaray xilligii la saxayay khaladaadkii hore.”

Isagoo fadhiya xeebaha harada weyn ee macmalka ah ee uu sameeyay biyo-xidheenka GERD, oo loogu magac daray ‘Nigat’, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku tilmaamay luminta marinkii dekedda Casab inay ahayd khalad dhacay soddon sano ka hor.

“Badda Cas waxay qayb ka ahayd Itoobiya soddon sano ka hor,” ayuu yidhi. “Khaladku shalay ayuu dhacay, berrina waa la sixi doonaa.” ayuu yiri Abiy Axmed.

Isku soo wada duubo, raadinta marin badeed ay hesho Itoobiya ayaa xiisad xooggan uga dhaliyay dalalka deriska la ah, gaar ahaan Soomaaliya, halkaas oo heshiis is-afgarad hordhac ah oo lala galay Somaliland sanadkii 2024 uu sababay buuq iyo sawaxan weyn.

- Advertisement -

Read more

Local News