Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada Puntland ayaa gacanta ku dhigay muwaadin u dhashay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Feyzul Xaashim Suleymaan, kadib howlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen Togga Baalade ee gobolka Bari.
Qabashadan ayaa dhacday iyadoo uu socdo wajigii afraad ee hawl-galka Hilaac, kaas oo lagu bartilmaameedsanayo dagaalyahannada Daacish ee ku sugan buuraleyda Calmiskaad.
Feyzul ayaa noqday muwaadinkii labaad ee u dhashay Turkiga ee lagu qabto Puntland muddo laba bilood gudahood, kadib markii bishii Juun lasoo qabtay Hassan Ataar, oo isna u dhashay isla dalkaas.

Wararka laga helayo hay’adaha amniga ayaa sheegaya in weli la baadi-goobayo labo qof oo kale oo la tuhunsan yahay, kuwaas oo magacyadooda lagu sheegay Emre Kemal Yılmaz iyo Aylin Derya Kaya, kuwaas oo loo badinayo inay ku dhuumaaleysanayaan buuraleyda Cal-Miskaad.
Taliyaha ciidanka Darawiishta Puntland, Gen. Axmed Cabdilaahi Sheekh ayaa sheegay in Turkiga la qabtay iyo kuwa weli baxsan ay yihiin xubno hore uga tirsanaa ciidanka militariga Turkiga, kuwaas oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen afgambigii dhicisoobay ee dhacay bishii Juun 2016.
Wuxuu tilmaamay in warbixinnada hordhaca ah ay muujinayaan in xubnahani markii hore ku biireen Daacishta Suuriya, ka hor inta aan loo soo wareejin buuraha Cal-Miskaad si ay halkaas uga sii wadaan hawlahooda argagixisanimo.
Saraakiishu waxay sheegeen in baaritaanno socda lagu ogaanayo xiriirka ay la leeyihiin shabakadaha tahriibinta iyo kooxaha argagixisada caalamiga ah, sida kooxda PKK.
Khubarada amniga ayaa dhinacooda tilmaamay in dhacdooyinkan ay muujinayaan khatar weyn oo ay keeni karaan dagaalyahannada shisheeye ee isku xira dalal kala fog, taasoo adkeyneysa muhiimadda wadaagista xogta iyo iskaashiga caalamiga ah ee lagula dagaallamayo argagixisada.
Sidoo kale, ciidamada Puntland ayaa maanta gacanta ku dhigay dagaalame Soomaali ah oo lagu qabtay intii lagu jiray dagaal culus oo ka dhacay Togga Baalade, halkaas oo ay ciidamada dowladda Puntland ku wajahayeen maleeshiyo ka tirsan Daacish.

