Beledweyne (Caasimada Online) – La-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha macawiisleyda, Cali Jeyte Cismaan ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dilka horjooge Cali Axmed Guure (Cali Qoyane), oo uu sheegay inuu ahaa ninkii ka dambeeyay dilalkii dad rayid ahaa ee ka dhacay inta u dhaxeysa Maxaas iyo Beledweyne 3-dii September 2023.
Jeyte ayaa sheegay in weerarkaas oo markii hore lagu eedeeyay xubno ka tirsan Al-Shabaab uu ahaa qorshe si xeeladeysan loo dejiyay, ujeeddadiisuna ay ahayd in lagu kala jabiyo bulshada gobolka Hiiraan.
“Dadkii la laayay waxay ka wada tirsanaayeen hal jifo, qorshuhu wuxuu ahaa in bulshada la kala fogeeyo oo la abuuro nacayb iyo kalsooni darro dhexdooda ah,” ayuu yiri Cali Jeyte oo la hadlay idaacada BBC.
Cali Axmed Guure, oo in ka badan toban sano ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa la sheegay inuu si joogto ah u bartilmaameedsan jiray dadka rayidka ah iyo kuwa safarka ah, isagoo ku caan baxay dhibaatooyin uu ku hayay bulshada deegaanka.
Inkasta oo dhacdadaasi gilgishay bulshada Hiiraan, Cali Jeyte wuxuu tilmaamay in ay noqotay sababtii ugu weynayd ee dhalisay kacdoon ballaaran oo shacabka gobolkaas ay ku qaadeen dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.
“Dagaalku si rasmi ah wuxuu u bilowday bishii Agoosto 2022, balse dhacdadii dilkaasi waxay ahayd middii bulshada mideysay oo ay ku gartay in cadowgu uusan naxariis u hayn cidna,” ayuu yiri Jeyte.
Kacdoonkaas shacabka oo markii hore ku koobnaa gobolka Hiiraan ayaa markii dambe ku faafay gobollo kale, inkastoo Alshabaab ay dib ula wareegtay qaar ka mid ah meelihii laga saaray.
Cali Jeyte ayaa sheegay in dilka Cali Qoyane uu noqday guul weyn oo ay gaareen dadka deegaanka, isagoo ku tilmaamay “cadaw weyn oo laga takhalusay.”
“Dadku waxay u arkeen geeridiisa neecaaw iyo nafis u yimid deegaanka, waa cadaw baxay,” ayuu raaciyay Jeyte.
Ugu dambeyn, wuxuu carrabka ku adkeeyay in dagaalka shacabka uusan ahayn mid siyaasadeysan, balse uu yahay halgan lagu difaacayo noloshooda, deegaankooda iyo mustaqbalkooda.
Maalmo ka hor, howl-gal aad loo qorsheeyay oo ka dhacay deegaanka Mubaax ee gobolka Hiiraan ayaa lagu dilay horjooge Cali Axmed Guure oo loo yaqaanay (Cali Qoyane), sida ay shaacisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Horjoogahan ayey dowladdu sheegtay inuu kamid ahaa madaxda sare ee kooxda, iyadoo ku tilmaamtay “dhiigyo cab” dhibaatooyin badan ka gaystay gobolka Hiiraan.