25.4 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Fiqi oo albaabka ka soo xiray rajada mucaaradka ee ah…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa ku gacan sayray qabsoomidda dibad-baxa ay qorsheynayaan mucaaradka dowladda ee ku midoobay Madasha Samata-bixinta, isagoo sheegay in aan la oggolaan doonin mudaaharaad lagu qabto magaalada Muqdisho.

Qorshaha xubnaha la baxay Madasha Samata-bixinta ee ku howlan abaabulka dibad-bax ka dhan ah dowladda Xasan Sheekh ayaa laba jeer fashilmay kadib markii dib loo dhigay dibad-baxa, waxaana hadda jira warar sheegaya inay qorsheynayaan Khamiista toddobaadkan.

Dib u dhicii ugu dambeeyey ee Khamiistii hore ayaa yimid kadib kulan ay yeesheen xubno ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, Madasha Mucaarad iyo Guddiga Dhex-dhexaadinta, waxaana ugu dambeyn la isku afgartay in dib loo dhigo bannaanbaxa markii labaad, iyadoo horey loo baajiyay bannaanbixii kan ka horreeyay.

Dhinacyadan ayaa sidoo kale ku heshiiyay in la magacaabo guddi ka kooban afar xubnood oo si wadajir ah uga shaqeeya habsami u qabsoomidda iyo goobta lagu qabanayo.

Si kastaba, Fiqi ayaa hadda sheegaya in dibad-bax dadweyne uusan dhici doonin, isaga oo weerar afka ah ku qaaday qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka kuna eedeeyay inay dhaqaale kusoo qaateen si ay caasimadda ugu sameeyaan bannaanbaxyo lagu carqaladeynayo amniga.

Wuxuuna ku adkeystay in dowladda aysan oggolaan doonin in shacabka la soo saaro oo lagu kiciyo arrimo siyaasadeed.

“Odayaashan hadda qaylinaya waa kuwii diyaaradaha laga reebi jiray, waa kuwii hoteellada lagu weerari jiray. Goormaad aragteen iyagoo ku faanaya ‘wax baan beddelaynaa’. Waan u oggolnahay inay kaligood boorar soo qaataan, balse, uma oggolaan doonno inay shacabka soo saaraan,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Fiqi wuxuu siyaasiyiinta mucaaradka ku tilmaamay inay yihiin “xagjiriin siyaasadeed”. Waxa uu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu horey ula yeeshay shan shir oo dhammaantood uu ku aqbalay dalabadoodii.

“Mucaaradku ma laha ajende siyaasadeed oo dhab ah marka laga reebo kicinta bulshada, iyagoo lacago yar yar oo shan doollar ah ku bixinaya sidii dadka masaakiinta ah looga soo saari lahaa guryahooda.”

Hadalka Fiqi ayaa yimid, xilli Dowladda Federaalka ay u muuqato in siyaasad ahaan ay ka adkaatay mucaaradka, iyada oo laba jeer si xeeladaysan uga baajisay inay dhigaan dibad-baxooda, isla markaana aysan jirin rabitaan shacab oo ah inay ka qeyb-galaan dibad-bax.

- Advertisement -

Read more

Local News