Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Cali Wajiis) oo kamid ah golaha sare ee Culimada Soomaaliyeed ayaa weerar afka ah ku qaaday xubnaha mucaaradka ee la magac baxay Madasha Samatabixinta, isaga oo ugu baaqay inay qayb ka noqdaan doorashooyinka dalka.
Sheekha ayaa tilmaamay in kursiga uu Alle bixiyo sidaas darteedna loo baahan yahay inay iimaanka is geliyaan, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale wuxuu tusaale usoo qaatay doorashooyinkii kala duwanaa ee ka dhacay dalka oo uu mar kastaa kusoo baxayay Madaxweyne aan ahayn midka joogo, laga soo bilaabo 2012, ilaa 2022.
“Kursiga illaah baa bixiya, mucaaradow iimaanka is galiya gudiga doorashada aamina, doorashadii 2012 Sheekh Shariif kuma soo bixin Xasan Sheekh ayaa ku soo baxay isaga oo aan wax talo ah ku laheyn, 2017 Farmaajo oo aan talo ku laheyn ayaa ku soo baxay” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daay “Wax kasta oo la haayo inta la dhigo marxladda doorashada hala soo wada aado Axsaabta hala diiwaan-geliyo” ayuu sii raaciyay.
Sheekh Cali Wajiis oo hadalkiisa sii wata ayaa boggaadiyay shaqada guddiga doorashooyinka, wuxuuna tilmaamay in ka culimo ahaan ay u hambalyeynayaan.
“Haddii aan nahay golaha sare ee culimada Soomaaliyeed annaga oo DFS uu hoggaaminayo Dr Xasan Sheekh Maxmauud ugu hambalyeyneyno si gaar ah guddiga doorashooyinka waxaan leenahay guddiga hala aamino” ayuu mar kale yiri Sheekha
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli dood xooggan ay ka taagan tahay hannaanka doorashooyinka dalka, oo ay isku hayaan dowladda federaalka iyo mucaaradka dalka, taas oo sii daba dheereysay khilaafaadka gudaha ee dalka.
Waxaa sidoo kale maqan maamullada Jubbaland iyo Puntland oo la safan Madasha Samatabixinta, taas oo iyana sii adkeyneyso xiisadda siyaasadeed ee dalka.

