28.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Guudlaawe oo xil ka qaadis ku sameeyay 6 xubnood iyo fal-celin yaab leh oo ka dhalatay

Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul-goboleedka HirShabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa xil ka qaadis ku sameeyay illaa 6 Garsoore oo ka tirsanaa maxkamadaha maamulkaasi, kadib wareegto uu maanta soo saaray.

Wareegtada ayaa lagu shaaciyay magacyada lixda Garsoore ee la eryay, waxayna kala yihiin Maxamed Xasan Cumar, Maxamed Ibraahim Muuse, Cabdishakuur Ibraahim Nuur, Ismaaciil Xasan Dhoorre, Yaasiin Cusmaan Gacal iyo Cabdikhaali Maxamed Cali.

Madaxweynuhu ma sheegin sababta rasmiga ah ee uu shaqada uga fariisiyay garsoorayaashan oo qaarkood horay u shaaciyay inay ku shaqeeyaan mushaar la’aan

Dhanka kale tallaabada uu maanta qaaday Cai Guudlaawe ayaa ka dhalisay falcelin xooggan, waxaana siyaabo kala duwan uga hadlay dadka isticmaala baraha bulshada.

Maxamed Axmed Nuur: ” HirShabelle waa meel shaqada ugu badan ee la qabto ay tahay xil ka qaadis, waa guri isbaaro”.

Xasan Cumar Saneey: “Waxaa xilka looga qaaday maxaa uga hadasheen xaaquuqda idinka maqan”.

Shaafici Cali: “Oo meesha maxkamad iney ku taalo u maleyn maayee yey xukumaayeen garsoorayaashu?”.

Xuseen Geedi: “Ragii mushaarka loo waayay miyaa awalba garsoor magac u yeel ah ayey ahaayen xilka waxuu qiima leeyahay marka aad u madax banan tahay shaqada”.

Saacid Abuubakar: “Maba ogeyn ma garsoor ayaa HirShabelle ka jiray maxkamadba kuma taalee?. Yaab badanaa”.

- Advertisement -

Read more

Local News