Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii caadiga ahaa oo maanta oo Sabti ah ay lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa baaqday, iyada oo qorshuhu in golaha uu meel mariyo heshiis muhiim ah oo ay soo gudbisay xukuumadda Dan-Qaran.
Habdhowraha Baarlamaanka, ayaa u sheegay xildhibaanada in kulankii maanta uu baaqday, isaga oo u sheegay in maalinta Isniinta ah uu qabsoomi doono kulanka xiga.
“Kooramka waxa ay ahayd kow iyo tobanka inuu buuxsamo kadibna uu furmo golaha, laakiin ma aysan dhicin hadda waxayna mareynaa 124 Mudane dadku way joogaan balse ma imaamin” ayuu yiri Habdhowraha Golaha Shacabka Maxamed Cabdullaahi (Nuux).
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hadda kadib lala xisaabtami doono xildhibaannada ka maqnaada kulamada Baarlamaanka, isla markaana la yeerin doono magacyadooda.
“Hadda kadib waxaan isticmaali doonaa cid kasta oo maqnaata inaan yeerino, sida uu qabo xeer hoosaadka oo aan marsiino waajibaadka golaha” ayuu sii raaciyay.
Ujeedka kulankii maanta ayaa ahaa in lagu ansixiyo heshiiska aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, kaas oo ay horay xildhibaannadu u mariyeen akhrintiisa koowaad iyo labaad, waxaana soo gudbiyay xukuumadda federaalka Soomaaliya.
Fadhiyada baarlamaanka ayaa sida caadiga ah qabsooma maalmaha Sabtida, Isniinta iyo Arbacada, waxaana laga sugayaa golaha inay meel mariyaan shuruuc muhiim u ah dalka.
Xaaladda guud ee dalka ayaa ah mid cakiran, waxaana weli buuq uu ka taagan yahay gudaha Baarlamaanka, iyada oo doorashooyinka iyo arrimaha dastuurka weli la’isku hayo.
Fadhiyo hora oo ay lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa u baaqday kooram la’aan, taas oo keentay in marar badan uu digniin kasoo saaro guddoonka sare ee golaha.
Baaqashada kulamamadan ayaa kusoo aadaya, xilli xasaasi ah ayna taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay hannaanka loo wajahayo doorashada dalka oo ay isku hayaan Dowladda Federaalka, Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka.
Marka laga soo tego xiisaddan, waxaa Baarlamaanka Soomaaliya horyaalla shaqooyin adag oo ay ugu horreyso arrinta doorashada, maadaama laga sugayo shuruucdii lagu hagi lahaa.