25.2 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Sawirro: Xamza oo 3 qodob kala hadlay Midowga Yurub

Bookmark
Bookmarked

Share

Qaahira (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,Xamza Cabdi Bare oo haatan ku sugan magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa kulan gaar ah la yeeshay wakiilka gaarka ah ee Ururka Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika, Dr. Annette Weber.

Xamza ayaa saddex qodob kala hadlay Annette Weber, kuwaas oo ku aadan hormarka laga gaaray dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

Kulanka ayaa sidoo kale diirradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee labada dhinac iyo kordhinta taageerada uu Midowga Yurub siiyo dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa intii uu kulanku socday waxa uu soo bandhigay guulaha ay xaqiijisay Xukuumaddiisa, muddadii saddexda sano ahayd ee la soo dhaafay, kuwaas oo ay kamid yihiin sugidda amniga caasimadda, la-dagaallanka Khawaarijta, dib-u-dhiska ciidanka Qaranka, horumarinta dhaqaalaha, siyaasadda iyo tayeynta adeegyada bulshada.

Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday dadaallada xukuumadda Dan-Qaranee ku aaddan xilliga kala-guurka AUSSOM iyo taageerada caalamiga ah ee loo baahan yahay.

Dhankeeda, wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub ee Geeska Afrika, ayaa bogaadisay guulaha wax ku-ool ah ee ay xaqiijisay xukuumaddu, muddadii la soo dhaafay, iyada oo xustay in Midowga Yurub uu sii xoojin doono taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Kulankan ayaa qayb ka ahaa shirar uu haatan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ka wada magaalada Qaahira oo uu ku joogo safar shaqo oo la xiriira howlaha horumarinta xukuumadda Dan-Qaran, waxaana ku wehlinaya qaar kamid ah golaha wasiiradiisa.

Midowga Yurub ayaa kamid ah ururrada taageerada kala duwan siiya dowladda federaalka, isaga oo ka caawiya arimaha amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo bani’aadanimada.

- Advertisement -

Read more

Local News