Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta shaaciyay in gobolka Banaadir ay iska diiwaan-galiyeen codbixiyaal gaaraya 923,220 oo qof.
Guddiga ayaa sheegay in gobolka Banaadir ay ka hirgeliyeen 56 xarumood oo ku baahsan 16-ka degmo ee gobolka, taas oo fududeysay in shacabka si fudud isku diiwaan-geliyaan.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Cali ayaa sheegay in bisha soo socota dalka laga qaban doono doorasho, isagoo codsaday in ururada siyaasadda loo ogolaado in ay sameystaan olole doorasho.
Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in guul wayn laga gaaray ololihii diiwaangelinta, maadaama Muqdisho oo kaliya ay iska diiwaan-geliyeen dad ku dhow 1 milyan oo qof oo ka qayb-galaya doorashooyinka dhawaan dhacaya.
Horey qorshuhu wuxuu ahaa in doorashooyinka goleyaasha deegaanka ay bilowdaan dhammaadka bishaan October, balse waxaa yimid dib u dhac, sababo la xiriira markii dib loo furay diiwaan-gelinta oo fursad loo siiyay xisbiyadii ay furteen qaar kamid ah xubnihii ka baxay Madasha Samatabixinta ee heshiiska buuxa la galay Madaxweyne Xasan Sheekh.
Guddiga ayaa haatan shacabka Muqdisho ku wargeliyay inay 30-ka bisha Novembar u diyaar-garoobaan qabsoomida doorashooyinka qof iyo cod, taas oo ay ugu horeyso tan golaha deegaanka lagu dooranayo.
Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa horay u ballan-qaaday in dalkan uusan hoggaamineyn mas’uul shacabka soo dooran.
Si kastaba, Dowladda Federaalka ayaa weli iska indho tireysa diidmada maamullada Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta, kuwaas oo si adag uga soo horjeeda hanaanka doorashada qof iyo cod ee ay waddo dowladdu.

