Garoowe (Caasimada Online) – Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa bilaabay inuu daba-gal ku sameeyo cabashada ka taagan bixinta xuquuqda iyo mushaaraadka shaqaalaha, ciidamada iyo hay’adaha dowladda.
Baarlamaanka ayaa wasaaradda maaliyadda kala fariistay arrintan oo soo laab-laabatay, iyadoo guddoonka baarlamaanka uu ku adkeeyay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha kala duwan ee hay’adaha dowladda.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdirisaaq Axmed Saciid oo guddoomiyay kulan ay yeesheen guddiga maaliyadda Golaha Wakiillada iyo madaxda wasaaradda maaliyadda ayaa sheegay in cabashada taagan ay kala hadleen wasaaradda.
“Kulanka oo ay qeyb ka ahaayeen guddiga maaliyadda golaha iyo madaxda wasaaradda maaliyadda, ayaa ujeedkiisu ahaa helidda xogta arrimaha dhaqaalaha dalka, daba-galka nidaamka guud ee maaliyadda, kharash bixinta qoondada miisaaniyadda hay’adaha dowladda, iyo korjoogteynta dhaqan-gelinta miisaaniyadda 2025 ee goluhu ansixiyay,” ayuu guddoomiye Cabdirisaaq ku yiri qoraal uu soo saaray.
Wuxuu intaas ku daray: “Waxaa si gaar ah kulanka ugu kor istaagnay xuquuqda shaqaalaha, ciidamada iyo guud ahaan cabashooyinka jira.”
Guddoomiye Cabdirisaaq ayaa sheegay inay wasaaradda maaliyadda ku booriyeen in ay ilaaliso xuquuqda shaqaalaha, ciidamada iyo hay’adaha dowladda. “Dood iyo falanqayn dheer kadib, waxaan wasaaradda u soo jeedinay adkeynta ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, ciidamada iyo hay’adaha dowladda.”
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay yeelan doonaan kulamo kale, si loo dardar-geliyo fulinta miisaaniyadda.
Arrintan ayaa imaneysa xilli shaqaalaha maamulka Puntland ay ka cabanayaan xuquuq la’aan, iyadoo qaarkood aysan qaadan wax mushaar ah muddo lix bilood ah sanadkan gudihiisa, taas oo sii dheer tahay in gunnadii laga jari jiray.
Gudaha maamulka Puntland ayaa bilihii dambe waxaa kusoo noqnoqday gadoodka ciidamada amniga, kuwaas oo si xoog ah u xiray waddooyinka muhiimka ah ee magaalooyinka iyo kastamada canshuuraha, si ay u helaan xuquuqdooda oo ugu horreysa mushaarka.
Bil ka hor ayay ahayd markii cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland oo mushaar la’aan ka gadoodsan ay xirteen laamiga dheer ee deegaanka Kalabayr ee gobolka Bari.
Ciidanka gadoodsan ayaa halkaasi ku xanibay gaadiid badan oo rar ka soo qaaday dekedda magaalada Boosaaso. Ciidankan oo wata gaadiid dagaal, kana yimid buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, ayaa ka cabanaya mushaar la’aan, waxaana ay xukuumadda Puntland ka dalbadeen in sida ugu dhaqsaha badan loogu soo celiyo xuquuqdooda.
Sidoo kale ciidamo gadoodsan ayaa xirtay kastamkii canshuuraha degmada Xarfo ee gobolka Mudug, kaas oo in ka badan 10 maalmood ay haysteen ciidanka ka cabanaya mushaar la’aanta.
16-kii August, ciidamo gadoodsan ayaa sidoo kale xirtay waddada hormarta isbitaalka weyn ee Boosaaso, iyagoo markaas xanibay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee mara waddadaasi oo halbowle ah.
Ciidamadaas oo ka tirsan kuwa difaaca Puntland ee ku soo dhaawacmay hawlgalka Calmiskaad ayaa ka cabanayay inaysan helin daryeelkii ay mudnaayeen, isla markaana ay dayacday xukuumadda Puntland.
Sidoo kale, bishii ka horeysay ee July, waxaa dhacay dhacdooyin la mid ah kuwaas. Gadoodka ciidamada ayaa saameyn xooggan ku yeeshay bulshada ku nool maamulka Puntland, kuwaas oo wajaha dhibaatooyin markii ciidamadu xirtaan waddooyin ama kastamo muhiim ah.
Si kastaba, xukuumadda Puntland oo lagu eedeeyo inuu halakeeyay musuq-maasuq xooggan, ayaa wajahaya fadeexadda in qayb ka mid ah ciidamadeedu la kulmeen mushaar la’aan, halka arrintas ay xitaa saameysay shaqaalaha dowladda, oo mararka qaar xuquuqdooda ka maqnaato muddo bilooyin ah.

