28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xukunka raggii loo haystay dilkii argagaxa lahaa ee hooyo iyo 3-deeda carruur ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa maanta xukunno ku riday saddex nin oo ku eedeysnaa in ay dileen Hooyo iyo saddexdeeda gabar.

Dilkan ayaa ka dhacay deegaan hoos yimaada magaalada Qaayib ee gobolka Galgaduud. Garsoorka Maxkamadda ayaa sheegay in aan la helin caddeymo dhab ah oo muujinaya in eedeysanayaasha Ayuub Maxamed Cabdi, Galad Axmed Xuseen iyo Cabdi Cismaan Cabdullaahi ay geysteen dilka Hooyo Sahro Cartan Xirsi iyo gabdhaheedii Nuuro Axmed Maxamuud, Xaawo Axmed iyo Faa’iso Axmed.

Maxkamadda oo taas ka duulaysa ayaa waxay Cabdi Cisman iyo Galad Axmed ku xukumtay tacsiir shan sano ah, halka Ayuub Maxamed lagu xukumay saddex sano ah.

“Maxkamadda marka ay dhageysatay doodda xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Galmudug iyo cadeymaha uu soo gudbiyay, maxkamadda markay dhageysatay difaaca qareennada eedeysanayaasha, waxay maxkamaddu ku xukuntay tacshiir shan sano ah oo xabsi ah,” ayuu yiri Garsooraha maxkamadda ee xukunka la wadaagay warbaahinta.

Sidoo kale, Garsoorka ayaa sheegay in dadka leh dhaxalka ay diideen in ay dhaartaan ama dhaariyaan eedeysanayaasha, taasina aysan keenayn in lagu helay dambiga.

Dhacdadan argagaxa leh ayaa dhaqaan ka dhacday qaybo kamid ah gobolka Galgaduud, iyadoo si arxan darro ah loo dilay hooyo iyo saddex gabdhood oo ay dhashay.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in xilliga la dilayay hooyada iyo carruurteeda ay hurdayeen, waxaana rasaas ooda kaga qaaday maleeshiyaadka oo madaxa ka wada toogtay, sidoo kalena waxaa dhaawac uu soo gaaray qof kale oo la joogay qoyska.

Inkastoo si rasmi ah aan loo xaqiijin, haddana waxaa soo baxayay tan iyo markii uu dhacay dilka, wararka sheegaya in uu salka ku hayo aano qabiil oo muddooyinkii dambe ka taagneyd deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud.

Galgaduud ayaa waxaa ku badan dilalka qorsheysan ee salka ku haya aanooyinka qabiil, waxaana ahayd dhawaan, markii nin shacab ahaa lagu dilay deegaanka Raxan-reeble ee gobolkaasi, kaas oo dilkiisu ay kasoo wareegtay maalmo qura.

Muddooyinkii dambe waxaa gobollada dhexe kusoo badanayay dilalka noocaan oo kale ah, waxaana ay ahayd dhawaan kadib markii Dr Cumar Cabdi Daahir (Surweyn), oo kamid ahaa dhaqaatiirta da’da yar ee ka howlgala degmada Gaalkacyo loo dilay aano qabiil darteed. Dhaqtarka ayaa waxaa dilkiisa ka dambeeyay rag hubeysan oo toogtay, kadibna ka baxsaday goobta, kuwaas oo illaa iyo hadda aan lasoo qaban.

Waa dhaqtarkii labaad oo loo dilay sabab la xiriirta aano qabiil, waxaana horay sidaan oo kale isna Gaalkacyo loogu dilay Dr Sakariye Cabdi Jaamac oo loogu dhex-tegay xaruntiisa, kadib markii uu ugu galay nin ku labisnaa dareeska ciidamada oo watay qoray AK47 ah.

Hoos ka daawo muuqaalka

- Advertisement -

Read more

Local News