25.4 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

DF Soomaaliya oo Somaliland uga adkaatay go’aankii e-Visa – Maxaa dhacay maanta?

Bookmark
Bookmarked

Share

Dubai (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in si rasmi ah guud ahaan dalka uga dhaqan-galo go’aankeeda fiisaha online ah ee e-Visa, kaasi oo guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Kaah lagu weydiiyay garoonka Dubai ee Imaaraadka Carabta.

Maxamuud Xaashi ayaa maanta shaaciyay in uu dirqi uga bad-baaday in e-Visaha ay bixiso Soomaaliya uu u jarto Somaliland, oo ayadu ku dooda inay tahay dal madax-banaan.

Siyaasigan oo hoggaamiya mid kamid ah saddexda xisbi siyaasadeed ee Somaliland ayaa arrintaan si weyn ugu dhaliilay xukuumadda Somaliland, oo ayagu ka badin wayday diidmo afka ah, iyo in lacag labaad oo dal-ku-gal ah dadka rakaabka looga qaato garoonka Hargeysa.

“Dubai ayaa laygu weydiiyey dal ku galka e-Visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, muran ayaan ku dhaafay, maanta waa la sii adkeeyey, xukuumaddeenna Somaliland ka aqbali mayno arrintaas waan ku dhaliilaynaa,” ayuu yiri Guddoomiyaha xisbiga Kaah.

Maxamuud Xaashi ayaa hoggaanka maamulka usoo jeediyay in ay si dhab ah u wajahaan arrintaan, oo uu sheegay inay dhaawac ku tahay madax-banaanida ay ku doodo Somaliland.

Diidmada shaqeyn wayday ee Somaliland ee e-Visa

Hay’adda Socdaalka ee Somaliland ayaa dhawaan soo saartay habraac cusub oo socdaalka, kaasi oo si toos ah uga hor imanayay go’aankii kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo hanaanka fiisaha ka dhigay hab online ah (e-Visa).

Habraaca Somaliland ayaa dhigayay in dadka kasoo degaya garoomada maamulka ay fiisaha soo gelitaanka ku bixiyaan gudaha garoomada ee maamulkaasi, ee uu ka mid yahay garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa

Maamulka Somaliland ayaa markaas noqday maamulkii labaad ee si rasmi ah uga horyimaada nidaamka cusub ee dal-ku-galka Soomaaliya ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hay’adda Socdaalka ee Somaliland ayaa sidoo kale shardi uga dhigtay qofka ajnabiga ah ee imanaya deegaanadeeda in uu haysto tigidhka labaashada ee safarka iyo in la helo cid damiin ah oo qaada mas’uuliyadiisa.

Imaaraadka oo kamid ah saaxiibada dhow ee Somaliland leedahay ayaa kamid noqday dalalka sida rasmiga ah ugu hogaansamay go’aanka cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo uu hoos iskaga dhigay habraacyada socdaal ee Somaliland soo saartay.

Si kastaba, qofka wata baasaboorka shisheeye ee ku socda Somaliland iyo Puntland ayaa haatan ku qasban inuu bixiyo labo lacagood oo dal ku gal ah, midka e-Visa ee dowladda federaalka iyo midka garoomada labadaas maamul looga baahan yahay. Kan e-Visa ayaa marka hore laga rabaa in uu goosto ka hor inta uusan usoo safrin gudaha Soomaaliya.

Somaliland iyo Puntland ayaa u arka go’aanka cusub ee dowladda federaalka mid looga leexsanayo lacago ay hore u qaadi jireen maamulladan. Waxayna tani kordhinaysa culayska dhaqaale ee dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa qurbaha ku nool.

- Advertisement -

Read more

Local News