Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka ee dhawaan la heshiiyay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa laga hor istaagay inay maanta u safraan magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed.
Xubnahan oo qorshahooda uu ahaa in ay halkaasi ka bilaaban doorashooyinka qof iyo cod ee kula heshiiyeen Dowladda Federaalka ayaa laga hor istaagay safarkooda, kadib markii uu qorshahooda diiday hoggaamiyaha Koonfur Galbeed.
Xildhibaanno la hadlay warbaahinta ayaa ku eedeeyey maamulka Koonfur Galbeed in uu diyaaradaha ku wargeliyey in aysan soo qaadi karin siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanadaasi oo ay ku jiraan Guddoomiyaashii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal iyo Shariif Xasan.
Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare hore, Cumar Cabdirashiid uu haatan bilaabay waan-waan, si loo dejiyo xaaladda siyaasiyiinta si aysan uga bixin garabka Dowladda Federaalka oo dhawaan ay la heshiiyeen.
Maalmo ka hor ayey ahayd markii ilaa saddex xisbi siyaasadeed ay ka bexeen garabka Dowladda Federaalka, lana safteen mucaaridka, iyaga oo dowladda Xasan Sheekh ku eedeeyay in aysan daacad ka ahyn doorashooyinka.
Inkastoo weli maamulka Koonfur Galbeed ka hadlin arrintan, haddana haddii ay sii socoto waxa ay muujinaysaa kala aragti duwanaanta dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada taabacsan iyo inay isku raacsanayn hanaanka doorashooyinka socda.
Guddoomiye Mursal ayaa horey u sheegay in ujeedka safarkooda uu yahay furitaanka xarunta xisbigooda, si ay uga qeyb qaataan doorashada dadweynaha ee la qorsheeyay in dalka ka dhacdo.
Wuxuu ku dooday in xisbigiisu uu si rasmi ah u diiwaan-gashan yahay, isla markaana uu xuquuq ahaan la mid yahay xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweyne Lafta-gareen.
Arrimahan ayaa imanaya xilli, Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa shaaciyeen in 30-ka bisha November ee sannadkan la qabanayo doorashada dowladaha hoose.
Horey qorshuhu wuxuu ahaa in doorashooyinka goleyaasha deegaanka ay bilowdaan dhammaadka bishaan October, balse waxaa yimid dib u dhac, sababo la xiriira markii dib loo furay diiwaan-gelinta oo fursad loo siiyay xisbiyadii ay furteen qaar kamid ah xubnihii ka baxay Madasha Samatabixinta ee heshiiska buuxa la galay Madaxweyne Xasan Sheekh.
Guddiga ayaa haatan shacabka Soomaaliyeed ku wargeliyay inay u diyaar-garoobaan qabsoomida doorashooyinka qof iyo cod, taas oo ay ugu horeyso tan golaha deegaanka lagu dooranayo.
Dowladda Federaalka ayaa weli ku dhagan qorshaha hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah, waxaase weli bannaanka ka jooga oo diidan maamullada Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta.